Dagaal goor dhaweyd ka bilowday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho

Talaado, September 08, 2009(HOL): Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa goor dhaweyd wuxuu ka qarxay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa wuxuu hadda ka socdaa Xaafadaha Taleex iyo Tareebuunka oo degmada Hodan ka tirsan , waxaana la soo sheegayaa in halkaas uu dagaal xooggan ka socdo, isla markaana laga maqlayo madaafiic ay dhinacyada dagaallamaya isu adeegsanayaan.

Tiro madaafiic ah ayaa dagaalka oo weli socda waxay ku soo dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Howl-Wadaag iyo weliba Suuqa Bakaaraha. Lama oga ilaa yo haatan inta uu la egyahay khasaaraha dagaalkan iyo madaafiicdan ka dhashay dagaalka oo goor dhow bilowday aawgiis.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe uu magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal xooggan kaasi oo uu dad rayid ah ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. 8 ruux oo rayid ah ayaa dagaalkaas ku dhintay 20 ruux dad ka badanna waa ay ku dhaawacmeen.

Wixii ku soo kordha dagaalka hadda ka socda magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya