Wasiirka Amniga Soomaaliya oo beeniyay in Ciidmada Amisom loo fasaxay in ay weeraraan fariisimada Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya

Talaado, September 08, 2009(HOL): Wasiirka Aniga Qaranka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay hadal maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in Ciidamada Amisom loo bedelay waajibaadka, isla markaana ay haatan kaddib weerari doonaan fariisimada kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in warkaas si qaldan loo sheegay, wuxuuna caddeeyay in kaliya la soo hadal qaaday in dib u eegis lagu sameeyo waajibaadka Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ku sugan.

Iyadoo uu sidan leeyahay Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Sanbaloolshe ayaa haddan Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Crispus Kiyonga oo ka qeybgalay shirkii aan caadiga ahayn ee ay Liibiya ku yeesheen madaxda Midowga Afrika ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya waajibaadka loo bedelay, isla markaana ay haatan kaddib awood u leeyihiin in ay weeraraan meelaha ay ku sugan yihiin kooxaha weerarka ku soo qaada, halka buu yiri markii hore ay kaliya ka jawaabi jireen weerarrada lagu soo qaado.

Sidoo kalena, Wasiirka Amniga Soomaaliya waxaa uu beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay dhawaan gudaha u soo galeen Magaalada Beledweyne, haatanna ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in dadka warkaasi sheegay ay arkeen sida uu hadalka u yiri Ciidamo Soomaaliyeed oo u labisan una qalabeysan sida Ciidamada Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe waxaa uu farriin baaq ah u diray maamulka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay in aysan fududeysan farriintii uu u soo diray Amiirka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya