Qaramada Midoobay oo sheegtay in dad gaaraya 1.55 Milyan ay barakiciyeen Dagaallada iyo Abaaraha ka jira Soomaaliya

Talaado, September 08, 2009(HOL): Tirada dadka ku  barakacay dagaallada iyo abaaraha ka jira ayaa sii kordheysa, waxaana sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ay gaartay 1.55 Milyan oo ruux.

Roberta Russo oo ah Afhayeenad u hadashay UNHCR ayaa u sheegtay wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN in boqolaal qoys ay weli ka barakacayaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 3.8 milyan oo Soomaali ah oo ah kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadannimo oo deg deg ah, “Dadka barakacay waxaa ku jira kuwo ay waxyeello ka soo gaartay qalalaasaha ka jira Soomaaliya, waxaana ka mid ah haween iyo caruur” ayay tiri Afhayeenad Russo.

Cali Shiikh Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa isna u sheegay Wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN in ay weli barakacayaan dadka ku nool Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Dadkani waxay u barakacayaan nabadgelyo darro sii kordheysa aawadeed, hadda inta aan wada hadleyno waxaa jira dad barakac ku jira sababtoo ah ma jirto meel ay joogaan oo nabad ka jirto”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin.

Cali Shiikh Yaasiin waxaa uu intaas ku daray in nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho iyo barakaca sii ba ahaya ay keeneen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac iyo labo Kooxood oo muqaawamo ah, kuwaasi oo kala ah Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

“Dhamaan dhinacyada isku haya Muqdisho waxay isu diyaarinayaan wax ay u maleynayaan dagaalkii ugu dambeeyay oo lagu kala baxayo”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Cali Shiikh Yaasiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya