Yaa Maamula Waqtigan Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan?

Talaado, 8, Sep, 2009 (HOL) Tan iyo markii xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay bilaabeen dagaallada looga soo horjeeda Dowladdda isla markaana inta badan la wareegeen Goballada K/soomaaliya, Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan waxaa ay aheyd Magaalada kaliya ee uu ka jiro maamul si toos ah ula shaqeeya Dowladda Soomaaliya, inkastoo dhowr jeer ay isku dayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay burburiyaan Maamulka lana wareegaan gacan ku heynta Magaalada.
 
Laakiin hadda xaalku waa is badalay oo sidii hore ma'aha waxaana muuqata in Mas'uulkii ugu sarreeyay Maamulkii la shaqeynayay Dowladda Soomaaliya dhinac kale u iishay, gaar ahaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya sida Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo gacan-saar wanaagsani ka dhaxeeyo, taana waxaa ay keentay in uu shaki soo kala dhaxgalo Mas'uulkii Maamulka Goballka  iyo Saraakiishii dhinaca Ciidamada uga waiilka ahaa Dowladda.
 
Is-badalka Siyaasadeed ee ka dhashay dhawaaqii ka soo yeeray Guddoomiyaha Maamulka Goballka iyo wararka duul duulaya ee ku saabsan xiriirka quruxda badan ee durbaba u bilaawday Guddoomiyaha iyo Xoogagga Dowladda diidan gaar ahaan Xarakada Al-shabaab waxaa ay keentay in ay dib magaalada uga gurtaan Saraakiishii Dowladda sida  Gen, Muqtaar Xuseen Afrax iyo dhamaan Ciidamadii la shaqeenayay, halka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow laftirkiisa uu u muuqto shaqsi aan waxba gacantu ugu jirin maadaama xaruntii looga arriminayay Maamulka Goballka tahay mid cidla ah oo haawaneysa.
 
Siyaasadda kala miirantay ee Mas'uuliyiintii markii hore wada shaqeeynayay ayaa keentay in Magaalada Beledweyne noqoto meel cidla ah oo cid maamusha aan la aqoon, walow Xaafadda Howl-wadaag oo ka mid ah Xaafaddaha Magaalada Beledweyne ay gacanta ku hayaan Xoogagga Dowladda ka soo horjeeda.
 
Xarumihii astaanta u ahaa Maamulka sida Sadhiga Baliiska, Xabsiga Magaalada, iyo waliba Xarunta Maamulka ee Magaalada Beledweyne dhamaatood waa cidlo laguma arkayo Ciidamadii ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ee Maalmo ka hor ka dhax muuqan jiray.
 
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Maamul la'aanta ka jirta Magaalada ay ka faa'ideysteen kooxo burcad ah oo hadda bilaabay in maalinta cad Isbaarooyin dhigtaan waddada isku xirta magaalada Beledweyne iyo Goballada dhexe sida Goballka Gal-aduud kuwaa oo dhac u geysta gaadiidka ku safra waddada.
 
Si ksataba arrintu  ha ahaate lama oga cid ugu dambeytii ku guuleysan doonta in ay dib u soo celiso ammaankii iyo nidaamkii Maamulka Magaalada Beledweyne, maadaama hadda Magaaladu tahay mid u dhaxeysa Dowladda iyo Xoogagga ka soo horjeeda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]