Madaxweyne Rayaale oo ka cudur-daartay saxeexidda go’aamada xallinta khilaafka iyo jawaabta Mucaaradka

Khamiis, 07 May 2009 (HOL): Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale uu diiday in uu saxeexo go’aamo ay soo saareen guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka Somaliland.

Axsaabta Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID oo shir-jaraa’id si wada-jir ah ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweyne Rayaale uu diiday in uu saxeexo, taasina ay horseedayso in khilaafku sii xoogaysto, isla markaana khilaafku halkiisii taagan yahay oo aan wax xal ah laga gaadhin.

Labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe oo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay dhinacooda ka ogolaadeen go’aamadan, balse waxay sheegeen in aanu hirgeli doonin haddii aan la saxeexin.

Hadalkan Masuuliyiinta Axsaabta Mucaaradka ah ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii Guddidii dhexdhexaadinta khilaafaadku ay sheegeen in Madaxweyne Rayaale ka cudur daartay in uu saxeexo heshiiskan, kaas oo ay ku sheegeen in inkasta oo uu Madaxweynuhu go’aamadaa aqbalay, haddana uu sheegay in aanu diyaar u ahayn in uu saxeexo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalladan iska daba imanaya ayaa u muuqda kuwo sii adkaynaya khilaafaadka Siyaasadeed ee hadda la rejaynayay in la xalliyo.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.