Arbaco, May 06, 2009(HOL): Wasirika Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uga hadlay socdaallo uu ku soo kala bixiyay dalal dibadda ah iyo weliba hub la sheegay in ay Dowladda Eritrea soo gelisay Soomaaliya.
Wasiirka oo ugu horreyn ka hadlay socdaalkii uu ku soo kala bixiyay dalalka caalamka waxaana uu sheegay in uu socdaal ku tegay dalal Afrikaan ah oo ay ku jiraan kuwa deriska, isla markaan ay ka wada hadleen wanaajinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaas, isagoo caddeeyay in ay qaar ka mid ah dalalkaas u ballanqaadeen in ka taageeri doonaan dhinaca tababaridda ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
Kadibna waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in uu socdaal ku tegay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaas oo uu uga qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kadibna shirkii Qadar ee ay Jaamacadda Carabta uga hadashay arrimaha Soomaaliya, ugu dambeyntiina waxaa uu sheegay in uu tegay Dalalka Turkiga oo lagu casuumay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif iyo dalka Belgium oo lagu qabtay shir dhaqaale loogu uruurinayay Soomaaliya.
Intaas kadib Wasiirka waxaa su’aalo weydiiyay Wariyayaashii uu shirka jaraa’id u qabtay, waxayna ahayd su’aashii ugu horreysay ee la weydiiyay sida uu u arkayo hub la sheegay in ay Dowladda Eritrea soo gelisay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu arrintaas ka xun yahay.
“Eritrea wey ogtahay in dadka Soomaaliyeed ay Dib u heshiisiin iyo Nabad doonayaan, mana ahan mid looga fadhiyay in ay sii huriso dhibaatada Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo sheegay in Dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Eritrea uu muddo 30 sano ah ka dhaxeeyay xiriir saaxibtinimo ah, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay gacan ku siisay Eritrea sidii ay xornimo u heli lahayd.
“Eritrea waxaan ugu baaqeynaa in ay gacan ka geysato isu keenidda Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay joojiso in ay sii huriso dhibaatada ka taagan Soomaaliya”ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Hadalka uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee ku aadan Dowladda Eritrea ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan uu sheegay in ay Dowladda Eritrea geysay Soomaaliya diyaarado hub wada, inkastoo warkaasi uu ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdo oo sheegay in aanu jirin hub ay Soomaaliya geeyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Oline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya