![]() |
| Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed- Shiikh Bashiir Axmed Salaad |
Guddoomiyaha Hay’addan Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo furitaankii shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid dib loogu eegayo waxyaabihii ka dhaqangalay go’aan ay Hay’adda horay u soo saartay, sidoo kalena si Diin iyo Cilmi ah loogu baarayo halka ay salka ku heyso dhibaatada Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Shiikh Bashiir Axmed Salaad waxaa uu sheegay in gunaanadka shirkan ay soo saari doonaan go’aanno ay u arkaan in lagu xalili karo mushkiladda haatan ka taagan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay la kulmi doonaan dhinacyada isku haya Soomaaliya, kuwaasi oo uu xusay in ay weydiin doonaan sida ay la tahay in xal loogu heli karo Soomaaliya.
Sidoo kalena shirkan oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Golaha Dhaqanka Hawiye, Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo Gole ay ku mideysan yihiin Beelaha Digil iyo Mirifle, Dir, Daarood iyo Jareer-weyne ayaa waxay mas’uuliyiin ka hadlay sheegeen in si dhab ah loo wajaho halka ay dhibaatada Soomaaliya ka taagan tahay, iyadoo laga rug sheegayo wacyiga jira.
Shiikh Maxamed Diiriye oo la sheegay in uu Afhayeen u yahay Gole ay ku mideysan yihiin Beelaha Digil iyo Mirifle, Dir, Daarood iyo Jareer-weyne ayaa wuxuu kula dardaarmay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed in ay si dhab ah u wajahdo xal-u-helidda mushkiladda Soomaaliya, “muddo 18 sano ah ayaan arkeyneynay Odayaal iyo Culimaa’udiin xal-doon ah oo ordaya, hadana laguma guuleysan in xal loo helo dhibaatada Soomaaliya, taasina waxaa ugu wacan iyadoo aan si dhab ah loo wajahin halka ay dhibaatada ka jirto”ayuu yiri Shiikh Maxamed Diiriye.
Sidoo kalena, waxaa ka hadlay Shirkan Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xaad, wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaal ay Culumaa’udiinka ugu jiraan in xal loo helo dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna kula taliyay Mas’uuliyadda Hay’adda in ay farta ku fiiqaan cidda aan raaliga ka ahayn in nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya.
Shirkan ayaa wuxuu yahay midkii labaad oo ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ku qabato Magaalada Muqdisho, waxayna bishii Febraayo 2009 qabatay shir ceynkan oo kale ah, kaasi oo ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid ahaayeen in Dowladda Soomaaliya ay ogolaato in dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka, in Ciidamada Amisom laga saaro dalka Soomaaliya, kuwo kalena aan la keenin iyo kuwo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Oline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
