Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo eedeyn u jeedisay Maamullada burburinta ku haya Qabriyada

Arbaco, May 06, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku sugan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay maamulka ka taliya magaalada Kismaayo oo dhawaanahan burburin ku hayay Qabriyo ay ku aasan yihiin dad ay Dariiqada Ahlu Sunna ixtiraamaan.

Shiikh C/risaaq Al-AShacari oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe ayaa sheegay in burburinta uu maamulka Kismaayo ku hayo Qabriyada ay tahay mid kula dagaallamayaan dadka sida uu yiri xurmada leh ee diinta Islaamka soo gaarsiiyay dadka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay ka hortagaan qolayahaas doonaya in ay la diriraan diintooda, isla markaana ay tirtiraan qabriyada dadkii xurmada lahaa ee Diinta Islaamka soo gaarsiiyay”ayuu yiri Shiikh C/risaaq Al-Ashcari oo u warramayay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Mar la weydiiyay Shiikh Al-Ashcari sababta ay ula hadli waayeen maamulka ay eedeynta u jeedinayaan ayaa wuxuu sheegay in go’aanka arrintaas aysan lahayn mas’uuliyiinta maamulka hayeeshee ay gadaasha ka hagaan dad ajnabi ah, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in aysan suurtagal ahayn wada hadallo ay la yeeshaan.

Dhanka kalena, mas’uulka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo u qaabilsan Burburinta Qabriyada oo lagu magacaabo Shiikh Saacid C/llaahi oo wax laga weydiiyay sababta ay Qabriyada u burburinayaan ayaa wuxuu sheegay in Qabriyo ay shalay iyo dorraad ka burburinayeen Deegaanka Kamsuumo ay ahaayeen kuwo ay dadka caabudi jireen, isla markaana ay sharad ku geli jireen.

“Qabriyadaas waxaa ka mid ah mid uu ku aasnaa nin aan weligiis tukan oo lagu magacaabi jiray Nuur Yarow oo ay dadka sharad la geli jireen iyo kuwo kale oo lagu aasay dad ninkaas soo raacay”ayuu yiri Shiikh Saacid C/llaahi oo sheegay in halka Qabriyadaas ku yaallaan ay tegi jireen dad sida uu yiri Qabriyada caabuda oo haddii ay rabaan ilmo iyo waxyaabo kale halkaas sharad ku geli jiray, “In Alle kheyrkiis la caabudo oo kaalmo la weydiisto ma ahan mid aan aqbali karno, waana sii wadeynaa howlgallada aan Qabriyada noocaas ah ku burburineyno”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh Saacid C/llaahi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Oline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya