Odayaal iyo Culima'udiin ku howlan dhameynta khilaaf u dhaxeeya Maamulka G/Hiiraan iyo Kooxo ka horjeeda oo sheegay in arrimahoodu meel wanaagsan marayaan

Arbaco, 6, May, 2009 (HOL) Inkastoo dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne shaki iyo cabsi maalmihii aynu soo dhaafnay ku dhaliyeen dagaal iyo iska horimaadyo goos goos ah oo mar marka qaar ku dhaxmarayay gudaha Magaalada Beledweyne Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira Rajo ay muujinayaan Odayaal iyo Culima'udiin ku howlanaa dhameynta khilaafka u dhaxeeya Maamulka Goballka iyo kooxaha ka soo horjeeda.
 
HOL oo la hadashay qaar ka mid ah dhinacyada ku howlan xal u helida khilaafka jira ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa hadda ay ku talaabsadeen guul wax ku ool ah oo ugu danbeyntii keeni karta in is faham guud laga qaato arrimaha leysku hayo, waxaana ay intaas raaciyeen in dagaallada mar marka qaar dhacaya yihiin kuwo aan wax badan u dhimi doonin howlahooda dhinaca Masaalixada.
 
Sidoo kale waxaa ay ugu baaqayaan Odayaasha iyo Waxgaradka ku howlan sidii loo dhameyn lahaa colaadda ka jirta Magaalada Beledweyne ayaa Jaaliyadaha dibada iyo dadka Waxgaradka ah ee ku dhaqan dalka dibadiisa kana soo jeeda Goballka Hiiraan in ay ku soo biiriyaan fikradahooda sidii horay loogu sii dhaqaajin lahaa howlaha dib u hishiisiinta ah ee ka soo socda Magaalada Beledweyne.
 
Laakiin ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Goballka iyo kooxaha ay is hayaan kaas oo la xiriira Rajada Odayaasha iyo Culima'udiinku sheegeen, walow kol hore Maamulka Goballku sheegay in ay qabaan wax kasta oo ay soo qaadaan dadka Masaalixda wada.
 
Inkastoo ay si caadi ah u socdaan howlaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa haddana dhinaca kale waxaa la oran karaa waxaa jira caqabado ku hor gudban Maamulka gaar ahaan marka la eego awoodda kooxaha ka soo horjeeda kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay Siyaasada Goballka iyo habasami u socdka howlaha Maamulka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Soomaaliya