Arbaco, May 06, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL Dr C/raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole oo shalay guddoomiye cusub u soo magacaabay gobolka Karkaar ayaa farriin adag u diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha DGPL.
Warkaan waxa uu soo baxay maalmo kadib markii gudaha DGPL si aad ah looga dareemay dilal qorshaysan oo loo kala geystay Guddoomiyihii gobolka Kar kaar iyo taliyihii ciidamada Sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug.
Madaxwayne Faroole ayaa xusay in Qofkii qof dila la dilayo, isla markaana tiirka la gaynayo sida buu yiri ku xusan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka u degsan Dowlad Goboleedka Puntland."Looma baahna in la qariyo ciddii wax disha ,waxaana xukuumada ka go,an arrimahaasi in ay wax ka qabato sida ugu dhakhsiyaha badan" ayuu yiri Madaxweyne C/raxmaan Faroole.
Madaxwayne Faroole ayaa eedayn ballaaran u jeediyay qaar ka mid ah odayaasha Puntland oo uu sheegay in ay hor boodaan gacan-ku-dhiiglayaasha marka ay dilal gaystaan ,waxaana u xusay in arintaasi ay hadda wixii ka dambeeya ay dhamaatay.
Waa Markii ugu horraysay oo uu Madaxwayne Faroole ka hadlo arrimo la xiriira beelaha ku dhaqan DGPL, xilli ay dilalka qorsahaysan si aad ah u soo bateen meelo ka mid ah magaalooyinka Puntland.
Faysal Maxamed Xasan,(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya