Arbaco, May 06, 2009(HOL): Askari ka tirsan Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya.
Askari la toogtay ayaa wuxuu ka tirsanaa Ciidamada Amsiom, waxaana laga soo toogtay meel aad u fog. Askariga oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaal ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaanan horay loogu aqoonin in ay meel dheer ka toogtaan Ciidamada Amisom, waxaana dhici jirtay in ay weeraraan, kadibna uu dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada Amisom iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-hoku ayaa xaqiijiyay in Askari ka tirsan Ciidamadooda toogasho lagu dilay, wuxuuna intaas ku daray in ay Askarigaas toogteen sida uu hadalka u yiri kooxaha ka soo horjeeda nabadda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Oline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya