Maamulka ka taliya Baydhabo oo dagaal kula jira waxyaabaha maanka dooriya

Arbaco, May 06, 2009(HOL): Maamulka ka taliya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu dhawaanahan waday howlgallo uu kula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriya, waxaana shalay oo ugu dambeysay ay ciidamada maamulkaas qabteen Qamri faro badan.

Taliyaha Ciidamada Maamulkaas Shiikh Xasan Deerow ayaa sheegay in ay ciidamadooda shalay qabteen gaari Itoobiya ka yimid oo Qamri waday, wuxuuna caddeeyay in gaarigaas oo nooca xamuulka ahaa ay saarnaayeen 5 Kartoon oo midkiiba ay ku jirto 20 Dhallo oo Qamri ah.

“Dadkii waday iyo Qamrigaba gacanta ayaan ku dhignay, waxaana dadkaasi horkeeni doonnaa sharciga”ayuu yiri Shiikh Xasan Deerow. Maamulka ka taliya magaalada Baydhabo ayaa dhawaan wuxuu xaafadda Horseed ee magaaladaas uu ka soo qabtay seddex ruux oo sameynayay Qamriga nooca calaqa, waxayna seddexaas ruux hadda ku xiran yihiin Xabsiga Baydhabo.

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu dagaal xooggan kula jiraa waxyaabaha maanka dooriya, wuxuuna horay gudaha magaalada  uu uga mamnuucay Qaadka oo haatan dadka ka ganacsada iyo kuwa cunaba ay isugu tagaan meel ka baxsan Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Oline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya