Mullaxamiistaha Soomaaliyeed Jiim Sheekh Muumin oo lagu xiray Magaalada Hargeysa

Talaado, 5 May 2009 (HOL): Mullaxamaystaha Soomaaliyeed ee Jiim Sheekh Muumin oo ka mid ah Suugaanyahannada Soomaalida ayaa ku xiran Magaalada Hargeysa, kaddib markii loo xiray Nin la sheegay in uu Rasaas ku dhuftay, kaas oo ku geeriyooday isla goobtii Rasaasta kula dhacday.

Inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland ka hadal Xarigga Jiim Sheekh Muumin, haddana siday HOL u sheegeen dad la socda  xariggiisa, waxa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu Rasaas ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Keyse Xaaji, kaas oo sida la sheegay habeenimadii Axaddu soo galaysay u geeriyooday Rasaas la sheegay in uu Jiim Sheekh Muumin ka riday Bastoolad, iyadoo ay dad xog-ogaal ahi HOL u xaqiijiyeen in Marxuumkaas dorraad lagu aasay Magaalada Hargeysa, tiiyoo ay socoto baarista lagu hayo Kiiskan iyo sababta keentay Dilka.

Jiim Sheekh Muumin oo muddo ku siman laba toddobaad oo kaliya ku sugnaa Magaalada Hargeysa, kaddib markii sida la sheegay uu ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho oo uu ku noolaa ayaa sidoo kale sida ay xogahani sheegayaan waxa la xiran Abwaanka Soomaaliyeed ee Aadan Tarabi Jaamac oo la sheegay in uu Jiim Gurigiisa ku soo degay markii uu Hargeysa yimi. Kaas oo Mas’uul ka mid ah Ciidamada Booliska oo ka gaabsaday in Magaciisa la shaaciyaa uu sheegay in baarisi socoto, isla markaana la sugayo intay dhammaanayso.

Mullaxamiiste Jiim Sheekh Muumin ayaa ka tirsanaa Kooxihii  Hobollada Onkod iyo Waaberi, wuxuuna laxan u sameeyay heeso badan oo ay ku luuqeeyaan Fannaaniin Dalka Soomaaliya caanka ah, iyadoo Laxamada uu sameeyana lagu sheegay kuwo ay fannaaniinta iyo dadka fanka xiiseeya ay si wanaagsan ugu macaansadaan.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland