Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara oo eedeyn u jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya

Talaado, May 05, 2009(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya  Col. Cumar Xaashi in uu doonayo in ay Ciidamada Itoobiya dib ugu soo noqdaan Soomaaliya, isla markaana uu colaad ka dhex abuuro shacabka Soomaaliyeed.

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta waxaa uu u sheegay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho in Wasiirka Amniga uu durbaan colaadeed garaacayo, isla markaana uu doonayo in ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dib ugu soo noqdaan Soomaaliya.

“Wuxuu sheegay Cumar Xaashi in Garoonka Balli-Doogle ay ka soo degeen diyaarado hub wada, mana sheegin noocyada hubkaas isugu jiro iyo weliba nooca diyaaradaha waday, warkaasina waxaan u aragnaa mid aan jirin”ayuu yiri C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo sheegay in hadalkaas ay Itoobiya ugu soo marmarsiyoon karto in ay dib ugu soo noqoto Soomaaliya.

“Waxaa ka sii horreysay in maalintii Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed la xusayay ee 12-kii April uu Cumar Xaashi Muqdisho ka iclaamiyay colaad iyadoo weliba ay goobta joogeen Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo gaashandhigga. Cumar Xaashi waa saaxibkey waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed ka jooji colaadda aad dooneyso in ay ka dhex dhacdo”ayuu mar kale yiri C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane.

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane waxaa uu sheegay in loogs  baahan yahay Wasiirka Amniga iyo asxaabtiisa in ay dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ka shaqeeyaan, halkii sida uu yiri ay colaad ka dhex hurin lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya