Talaado, May 05, 2009(HOL): Ciidamada Badda Ruushka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku sii daayeen 8 Nin oo Dalka Iiraan u dhashay, kuwaasi oo muddo 80 maalmood ah ay heysteen kooxo Burcad Badeed Soomaali ah.
Warkan oo ay sii deysay Safaaradda uu Shiinaha ku leeyahay Dalka Ruushka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in 8daas Nin ee Iiraan u dhashay lagu sii daayay howlgal mileteri oo ay Ciidamada Ruushka ka fuliyeen meel lagu heystay raggaas oo 15 mile u jirta Xeebaha Soomaaliya.
Howlgalkaas ayay sidoo kale sheegtay Safaaradda in lagu sii daayay tiro la heystayaal ah oo u dhashay dalka Pakistan. Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ayaa sanadkii 2008 kaliya waxay weerar ku qaadeen 130 Markab oo ku socdaalayay Xeebaha Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay haatan heystaan Kooxaha Burcad Badeedka 17 Markab iyo shaqaale la socda oo tiro ahaan gaaraya 300 oo ruux.
Haddaba iyadoo ay Kooxaha Burcad Badeedka sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya iyo weliba Biyaha Caalamiga ah ee ku xeeran ayaa waxaa dhinaca kale socda howlgallo Burcad Badeedka lagula dagaallamayo, kuwaasi oo ay wadaan Ciidamada dalalka shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya