Talaado, May 05, 2009(HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in ay tiro dad ah u xidhxidhay Mudaharaad ka dhacay Magaalada Hargeysa oo ay sameeyeen Ardayda Dugsida hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa.
Inkasta oo aanay Xukuumadu si rasmi ah uga hadlin xadhigga dadkan, haddana siday dad xog-ogaal ah oo goob-joog ahi u sheegeen HOL, Ciidamada ammaanka Hargeysa ayaa Xabsiga u taxaabay dad aan tiradooda la sugin oo ay ka mid yihiin Saxafiyiin, inkasta oo markii dambe la sii daayay Saxafiyiintaas.
Dadkan la xidh-xidhay ayay Wararku intaa ku dareen in ay ka mid yihiin dad waayeel ahi. Kuwaas oo amarka qabashadooda ay bixiyeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Xadhigga dadkan ayaa wuxuu ka dambeeyay mudaharaad ay sameeyeen Ardayda Dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa. Kuwaas oo sheegay in lagu wargeliyay in Xukuumaddu ay iibinayso Dugsigooda. Waxaana Warkani uu ka dambeeyay Olole ay Xukuumadda Somaliland bishii u dambaysay ay ku iibinaysay Guryaha ay Dawladdu leedahay ee badhtamaha Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka iibisay qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Somaliland.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland