Talaado, May 05, 2009(HOL): Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa qaarkood ay dareenno ka bixiyeen war soo baxay toddobaadkii u dambeeyay oo sheegayay in Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee UDUB ee Waqooyiga Maraykanku uu kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan.
Warkan ayaa soo baxay kadib markii Xoghayaha guud ee Xisbigaas Jaamac Yaasiin Faarax uu sheegay in u Guddoomiyaha Xisbigooda ee Waqooyiga Maraykanku Mr. Yusuf Budle uu kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan, sidaas darteed ay dacwad ku oogayaan. “Dembi qaran buu galay, markii horena wuxuu Xilka u hayay si ku-meel-gaadh ah.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee UDUB.
Hase ahaatee, Guddoomiyaha UDUB ee Waqooyiga Maraykanka Mr. Yusuf Budle oo arrintan qoraal ka soo saaray ayaa beeniyay Warkan, waxaanu ku tilmaamay mu’aamarad ay abaabuleen dad uu ku tilmaamay kuwo dano Siyaasadeed leh.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Hargeysa ku dhaqan qaarkood ayaa dareen ka muujiyay arrintan, ka dib markii ay Warbaahinta ku soo baxday. Waxaanay Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga talada haya ku eedeeyeen in ay ka hor imanayaan danaha Somaliland. Hase ahaatee, ma jiro wax war ah oo dambe oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland