Talaado, May 05, 2009(HOL): Dhawaanahan waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dhaca gaadiidka, gaar ahaan kuwa raaxada, waxaana maanta oo ugu dambeysay dhac loo geystay Gaari uu watay Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere).
Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere oo ka soo baxay Isbitaalka Madiina oo uu booqasho ku tegay ayaa waxaa nawaaxiga Isgoyska Banaadir u galay rag hubeysan oo ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda, kadibna waxay kala degeen gaarigii uu watay iyagoo aan wax dhibaato ah u geysan.
“Aniga oo ka soo baxay Isbitaalka Madiina oo ay gaariga ila saaran yihiin rag odayaal ah, ayaa waxaa meel u dhow Isgoyska Banaadir nooga soo baxay rag hubeysan oo qabay labiska Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo nagu yiri is-fududeeya oo ka soo dega gaariga”ayuu yiri Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo sheegay in ragga gaariga ka qaatay ay ahaayeen sida uu hadalka u yiri rag sokeeye ah, uuna rajeynayo in uu gaarigiisa dib u heli doono.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxaa ka socday dhac loo geysanayo gaadiidka bilicda wanaagsan leh, waxayna taasi keentay in ay dad badan oo gaadiid cusub heystay ay iska dhigaan, si aan looga dhicin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya