![]() |
| Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomalaiya -C/raxmaan C/shakuur Warsame |
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomalaiya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay u gudbinayaan dacwad ka dhan ah Dowladda Eritrea oo uu sheegay in ay todobaadkii hore hub soo gelisay Soomaaliya, isla markaana ay ku xad-gudubtay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa uu sheegay in Dowladda Eritrea ay dooneyso in aaney nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Eritrea ugu baaqayaan in ay joojiso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya.
“Waxaan leenahay Eritrea jooji hubka aad isugu dhiibeyso Dadka Soomaaliyeed, waxaana leenahay ma jirto sabab ay Dowladda Eritrea hub isugu dhiibi karto shacabka Soomaaliyeed oo aan cadaawad gaar ah isu qabin, isla markaana dowladda u dhisan ay dooneyso in ay nabaddii iyo xasiloonidii soo celiso”ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/ashakuur Warsame.
Dorraad ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya Col. Cumar Xaashi uu sheegay in Dowladda Eritrea ay todobaadkii hore labo jeer hub soo gelisay Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in hubkaas oo laga soo dejiyay Garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu keenay labo diyaaradood oo Eritrea ka soo duulay.
Laakin waxaa hadalkaas beeniyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Ali Abdo oo sheegay in aaney jirin wax hub ah oo ay Soomaaliya geeyeen, isagoo weliba dafiray jiritaanka Dowladda Midnimada ee haatan ka dhisan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
