Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

Talaado, May 05, 2009(HOL): Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Col. Cumar Xaashi ayaa iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay oo ahayd in uu colaad ka dhex hurinayo Shacabka Soomaaliyeed.
 
Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in qofka eedeyntaas u soo jeediyay uu yahay qof riyoonaya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan  jirin colaad uu ka hurinayo Soomaaliya, taasi bedelkeedana uu ku dadaalayo sidii loo badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed, nabadna ay u heli lahaayeen.

“Aniga waxaan leeyahay xafiis, kaliyana waxaan sheegay in Eritrea ay hub soo gelisay Soomaaliya, taasi ma jirto cid aan sheegiddeeda fasax uga qaadanayo”ayuu yiri  Wasiirka Amniga Qaranka Soomalaiya Col. Cumar Xaashi Aadan.

“Haddii ay tahay colaad hurin in aan sheegay hub ay Eritrea soo gelisay iyo in aan ka soo horjeedo in shacabka Soomaaliyeed dhexdooda madaafiic lagu tuuro lana laayo, taasi waxaa la weydiinayaa shacabka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in uusan isagu xabbad xal ku dooneyn, dagaalna uusan wadin.

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Asmara ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Cumar Xaashi Aadan in uu colaad ka dhex hurinayo Shacabka Soomaaliyeed, uuna sii daayay hadal aan sax ahayn oo ah in diyaarado hub wada oo Eritrea ka yimid ay ka degeen garoonka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya