
Sabti, June 27, 2009(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay xubnaha ugu sareeya ururka ay ku midaysan yihiin Suxufiyiinta qaaraddan Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan [FAJ – Federation of African Journalists].
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Jahmuuriyada Jabuuti iyo Guddiga fulinta ee Suxufiyiinta Afrika ee [FAJ] oo ka koobnaa 7-xubnood oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha ururkaasi Cumar Faaruuq Cusmaan ahna Xoghaya Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee [NUSOJ], ayaa maalintii khamiistii ee aynu ka soo gudubnay waxaa uu ka dhacay qasriga Madaxtooyada Jabuuti, waxaana xubnahaan madaxweynaha Jabuuti ay kala hadleen dhibaatooyinka heysta Suxufiinta ka howla Afrika iyo siddii loo hormarin lahaa, islamarkaana sidii madaxda Afrika ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen hormarin iyo badbaadada saxafiyiinta.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin Suxufiyiinta Afrika [Federal African Journalists FAJ] Cumar Faaruuq Cusmaan oo u bandhigay Madaxweynaha Jabuuti qodobo dhowra oo ay ka mid yihiin in suxufiyiinta Afrika ay la soo daristo inta badan dhibaatooyin fara badan gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dalalka ay xiisadaha nabadgalyo xumo ka jiraan loogana baahan yahay madaxda dalalka qaarada Afrika in ay gacan ka geystaan horumarinta Suxufiyiinta iyo siddii sare loogu qaadi lahaa xirfadooda.
Cumar Faaruq Cusmaan oo hogaaminayay xubnaha ururkaan ee kulanka la qaatay madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay in ay Madaxweyne Geelle kala hadleen arrimo fara badan oo ku aadan qaabkii loo horumarin lahaa saxaafada Afrika iyo waliba in uu madaxweyne Ismaciil Cumar uu door wanaagsan uga dheeli lahaa.
“Ugu horeyn waan u mahadcelinaynaa madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si aad ah noogu soo dhaweeyey dalkiisa noona qaabilay,” ayuu yiri Cumar Faaruq Cusmaan oo ah Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika oo kulanka madaxweynaha ay la qaateen kadib saxaafada la hadlay.

Cumar Faaruq waxaa uu sheegey in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo dhaweeyey fikirkoodii iyo guud ahaan waxyaabihii ay kala hadleen, waxaana uu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu balan qaaday in uu garab istaagayo Suxufiyiinta Qaarada Afrika islamarkaana uu diyaar ula yahay waxwalba oo lagu horumarinayo saxaafada iyo suxufiyiinta intaba.
“Run ahaantii waxaa uu madaxweynaha Jabuuti noo shegay in uu garab istaagayo Suxufiyiinta Qaarada Afrik, difaaci doono, una doodi doono, kaalin muuqatana ka geysanayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye Cumar Faaruq Cusmaan.
Sidoo kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay intii uu socday kulanka ay madaxda ugu sareysa ururka Suxufiyiinta Afrika ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Foster Dongozi, oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka Suxufiyiinta Afrika [FAJ] ahna xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Zimbabwe oo ka sheekeeyay dhibaatooyinka saxafiyiinta ku haysta qaaradan isaga oo xusay in ururkoodu ay ka shaqeynayaan hormarinta iyo difacitaan saxafiyiinta.
Sidoo kale kulanka ay yeesheen Madaxweyna Jabuuti iyo hogaanka ugu sareeya ee ururka saxafiyiinta Afrika ka qeybgalay laba sarkaal oo ka socday ururka saxafiyiinta aduunka oo kala ahaa Khady Cisse oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka suxufiyiinta Aduunka [IFJ] iyo agaasimaha xafiiska afrika ee IFJ Mr. Gabriel Baglo.
Ururka Suxufiyiinta qaarada Afrika ayaa kulan muddo saddex maalmood ah qaatayku lahaa hotelka Kembinski ee Dalka Jabuuti kaasi oo ay ka soo qeyb galeen guud ahaan madaxda suxufiyiinta Africa, waxaana kulankaasi intii uu socday looga hadlayey xaquuqda iyo tacadiyada loo geysanayo suxufiiyinta Qarada Afrika gaar ahaana kuwa ka shaqeeya Dalalka ay ka jiraan dhibaatooyinka Amni xumo sida Soomaaliya, Cameroon, Zimbabwe, Tunisya, Gambia iyo Eritreeya iyadoo kulanka lagu cambaareeyey guud ahaan dhibatooyinka iyo xadgudubyada lagu hayo suxufiyiinta qaarada Afrika.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya