Sabti, June 27, 2009(HOL): Dadka Ganacsatada ah ee ree Kismaayo ayaa markii ugu horreysay waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen dadka ku tabaaleysan Deegaanka Ceel Macaan oo ku dhow Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka barakacay Guryahoodii markii Dagaallo aan kala go’ lahayn ay dib uga bilowdeen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay dhibaatooyin laga soo sheegayay dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan hareeraha Caasimadda kuwaas oo dhirta hoosteeda Maciinsanaya kaddib markii ay ka barakaceen guryihii ay deganaayeen ee ku yaallay Caasimadda ay dagaallada ku dhexmarayaan Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee kula Dagaallamaya gudaha Caasimadda.
Deeqdaan Lacageed ee ay gaarsiiyeen Ganacsatada reer Kismaayo dadka ku tabaaleysan hareeraha Muqdisho ayaa gaareysa ($10,000) toban kun oo dollar, waxaana ay sheegeen Ganacsatadu in ay usii mariyeen nin ganacsade ah oo degan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Xasan Awlibaax oo ah Gudoomiyaha Ganacsatada ree Kismaayo oo saaka u waramayay HOL ayaa sheegay in Masuulka ay u marsiiyeen lacagtaasi Dadka Tabaaleeysan uu ku iibiyay Bur, Saliid iyo Bacaha Roob laga galo isla markaana uu gaarsiiyay Qoysas gaaraya 1,500 oo qoys.
Waxaana uu intaasi raaciyay Xasan Awlibaax in ay dadka Soomaaliyeed haddii ay isku tashadaan ka maarmi karaan gacmaha Shisheeye, isagoo ugu baaqay guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed in ay gaarsiiyaan wixii ay u heli karaan Dadka Soomaaliyeed ee ka barakacaya Magaalada Caasimadda ah ee Dagaalladu aafeeyeen.
Waa markii ugu horreysay oo ganacsatada Ree Kismaayo ay lacago deeq ah gaarsiiyaan Dadka ka barakacaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Hiiraan Online,
Kismaayo, Soomaaliya