Magaalada Muqdisho oo ku jirta deganaan aan cago badan ku taagneyn

Sabti, June 27, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ku jirtaa degnaan iskeed ah oo aan cago badan ku taagneyn, iyadoo dhinacyada ku dagaallamayana ay isaga soo horjeedaan meelihii ay beryahan kala joogeen.

Meelaha ay Ciidamada isku horfadhiyaan oo ay ka mid yihiin Isgoysyada Florenza, Siinaay, Afarta Jardiino, Sanca iyo qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ayaa waxaa mararka qaarkood laga maqlayaa rasaas goos goos ah, taasi oo ay dhinacyada iska soo horjeeda ku muujinayaan in ay weli aagaggoodii ku sugan yihiin.

Warar naga soo gaaray Degmada Kaaraan ayaa waxay sheegayaan in saaka qeybo ka mid ah degmadaas laga maqlayo rasaas goos goos ah oo aan aad u badneyn, taasi oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Ma muuqdo ilaa iyo haatan xal laga gaarayo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho, waxayna dhinacyada dagaallamaya oo kala ah Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah  iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah ay u muuqdaan kuwo doonaya in ay sii dagaallamaan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa shaaca ka qaaday tirada dadka ku dhintay, kuwa ku dhaawacmay iyo kuwa ku barakacay dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.

UNHCR waxay sheegtay in dad gaaraya ay 250 ruux ay ku dhinteen dagaallada Muqdisho, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kale oo gaaraya 900 oo ruux, halka dad gaaraya 160,000 oo qoys ay guryahooda ka barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya