Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay lacag ku dhow 10 Milyan oo Dollar ay hub iyo tababarro ciidan ku siisay Dowladda Soomaaliya

Sabti, June 27, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa faah faahin ka bixisay hub tankiisu dhan yahay 40 tonnes oo ay rasaasna ku jirto, iyadoo hubkaasna uu yahay mid ay Dowladda Mareykanka ugu talagashay in ay ku caawiso dowladda Soomaaliya oo muddo labo bilood ku dhow dagaal kula jirta xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Sarkaal u hadlayDowladda Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in hubkaas iyo tababarro loo fidiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku kharash-gareysay Dowladda Mareykanka lacag ku dhow 10 Milyan oo Doollar.

Sarkaal kale oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wariyayaal ugu sheegay Washington in Dowladda Mareykanka ay hubka siisay Dowladda Soomaaliya kaddib markii xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay bilaabeen in ay weerarro ku qaadan Dowladda aan awoodda badan lahayn ee Soomaaliya.

“Waxaan hub iyo rasaas u dirnay Dowladda Soomaaliya, waxaana ka walaacsan nahay in ay Xoogagga Al-Shabaab la wareegaan gacan ku heynta Soomaaliya, sidaas darteedna waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo aan ku caawin karno Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Sarkaalkan u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay haatan xoogaggooda ka taliyaan inta badan gobollada koofurta Soomaaliya, waxayna haatan doonayaan in ay xukunka ka tuuraan Dowladda Soomaaliya ee lagu soo ballaariyay Dalka Jibouti.

Dowladda Mareykanka waxay intaas ku dartay in ay bixisay dhaqaale lagu tababarayo Ciidamo Soomaaliyeed, iyadoo lacagtaasna soo marsiisay Dowladaha Uganda iyo Burundi oo dalalkooda lagu tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Hubkan ay Dowladda Mareykanka siisay Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dhawaan ka codsatay dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya la deriska ah in ay u soo gurmadaan si ay uga caawiyaan xoogag Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo weerar ku soo ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Sabti, June 27, 2009(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay xubnaha ugu sareeya ururka ay ku midaysan yihiin Suxufiyiinta qaaraddan Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan [FAJ – Federation of African Journalists].

Sabti, 27 June 2009 (HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa baaq u jeediyay Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.

Sabti, June 27, 2009(HOL): Dadka Ganacsatada ah ee ree Kismaayo ayaa markii ugu horreysay waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen dadka ku tabaaleysan Deegaanka Ceel Macaan oo ku dhow Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka barakacay Guryahoodii markii Dagaallo aan kala go’ lahayn ay dib uga bilowdeen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sabti, June 27, 2009(HOL): Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaaca ka qaadday in ay wax ka qabaneyso falal nabadgelyo darro ah oo ka jira deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo ay ka dambeeyaan sida Xarakadu sheegtay ciidamada maamulkii ka talinayay Gobolka.

Sabti, June 27, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hambalyo u diray Shacabka Soomaaliya iyo Shacabka Jibouti, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadaha 26-ka June iyo 27-ka June oo ku kala aaddan maalmihii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay Xornimadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska iyo markii ay Shacabka Jibouti xornimadooda ka qaateen Gumeystigii Faranisiiska.

Sabti, June 27, 2009(HOL): Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gacanta ku heysa qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa xalay iyo habeen hore waxay bandow ku soo rogtay degmooyinka Cabuudwaaq iyo Dhuusamareeb ee gobolkaas.

Sabti, June 27, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay ku jirtaa degnaan iskeed ah oo aan cago badan ku taagneyn, iyadoo dhinacyada ku dagaallamayana ay isaga soo horjeedaan meelihii ay beryahan kala joogeen.

Somali News

6/27/2009 5:49 PM EST
A 23-year-old Richfield man was found guilty Friday in Hennepin County District Court of what police said was a misdirected revenge killing outside a south Minneapolis mall that is popular with Somali immigrants.

6/27/2009 11:23 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The moderate Islamist group of Ahlu Sunnah Waljama has imposed curfew on the towns of Abudwaq and Dhusomareeb located in Somalia’s central region of Galgadud.

6/27/2009 10:10 AM EST
ADDIS ABABA (AFP) — Eritrea on Saturday slammed the United States for providing weapons to Somalia's beleaguered government in its battle against Islamist insurgents.

6/27/2009 9:37 AM EST
When a militia loyal to al-Shabaab recently amputated the wrists and the feet of four young men in Mogadishu, no one felt the implications better than Abdi, a double amputee who led a difficult life without his right hand and left foot for nearly a decade

6/27/2009 9:30 AM EST
The African Union is coming under pressure to appoint a new investigation team to probe the inhuman actions of peacekeeping troops in the Somali capital, Mogadishu.

6/27/2009 9:27 AM EST
The Midtown Global Market in Minneapolis is celebrating Somali Independence Day.

6/27/2009 7:43 AM EST
The U.S. government has provided about 40 tons of weapons and ammunition to shore up the besieged government of Somalia in the past six weeks and has sent funding to train Somali soldiers

6/27/2009 7:14 AM EST
The UN refugee agency (UNHCR) on Friday said it is "gravely concerned" about spiralling violence and the worsening displacement crisis in Somalia

6/27/2009 7:03 AM EST
St. Cloud-area Somali residents today will publicly mourn victims of renewed violence in their homeland. Unrest has claimed hundreds of lives and made thousands flee

6/27/2009 6:56 AM EST
Prosecutor says verdict is proof that justice can be done, even when getting witnesses to testify is difficult
Click here