Sabti, June 27, 2009(HOL): Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gacanta ku heysa qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa xalay iyo habeen hore waxay bandow ku soo rogtay degmooyinka Cabuudwaaq iyo Dhuusamareeb ee gobolkaas.
Taliyaha Ciidamada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee Degmada Dhuusamareeb ayaa shaaca ka qaaday in bandowga ay ku soo rogeen degmooyinkaas uu yahay mid ammaanka lagu sugayo, wuxuuna intaas ku daray in bandowgii xalay ay ku soo rogeen degmada Dhuusamareeb ay dad ku soo qabqabteen.
Dadkaas ay qabqabteen ayuu sheegay Taliyaha in ay qaarkood ahaayeen kuwo uu waqtiga ku dhacay oo la qabtay iyagoo guryahooda u sii socday, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwo si bareer ah u jebiyay ammarka bandowga ah ee degmada ku soo rogeen.
Bandowga lagu soo rogay degmooyinkaas ayaa wuxuu bilowdaa 9-ka habeennimo, wuxuuna ku egyahay 6-da aroornimo, waxayna tahay ujeedada laga leeyahay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca mid amniga lagu sugayo.
Xoogag u daacad ah Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxay gacanta ku hayaan Degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Cabuud-waaq, waxayna degmooyinkaas la wareegeen kaddib markii ay kula dagaallameen xoogag ka tirsan Xarakada Shababul Mujaahidiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya