Sabti, June 27, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hambalyo u diray Shacabka Soomaaliya iyo Shacabka Jibouti, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadaha 26-ka June iyo 27-ka June oo ku kala aaddan maalmihii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay Xornimadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska iyo markii ay Shacabka Jibouti xornimadooda ka qaateen Gumeystigii Faranisiiska.
Haddaba qoraal hambalyadaas ku saabsan oo uu Madaxweynaha Soomaaliya soo saaray ayaa HOL soo gaarsiiyay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada C/qaadir Cusmaan Barnaamij, wuxuuna u qornaa qaabkan:
“Madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed isagoo wakiil ka ah dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogaba waxaa uu dhanbaal hanbalyo, u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo ku aadan sanadguurada 32-aad ee xurnimada Dalka Jabuuti(June 27, 1977). Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu tilmaamay iney xurnimada Jabuuti, ay farxad u ahayd dhamaan shacabka Soomaaliyeed , sida Ummada Jabuuti ay guul iyo raynrayn ugu ahayd.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanbaalkiisa hanbalyo ku sheegay in “xiriirka ka dhaxeeya labdeena dal inuu ka qoto dheer yahay midka ummadaha kale ka dhexeeta; maxaa yeelay keenu waa mid ku saleysan dhiig, dhaqan, af iyo diin intaba. Taasina waxay aad usii caddaatay wixii ka dambeeyey 1990; markii dowlada Soomaaliyeed uu burburku ku dhacay ee dagallada sokeeye ay dalkaygii iyo dadkaygiiba aafeeyeen”
Madaxweynuhu intaa ku daray waxaa uu ku daray “weligayo, ma illoobi doono jabuuti inay ahayd dalkii ugu horreeyay ee u kacay badbaadinta ummaddayada iyo dib usoo celinta qarankayagii sida weyn u dhaawacmay, ma iloobi doono inaad noo soo jeesateen markii ay dunida naga sii jeesatey, iyo inaad ahaydeen kuwii irdaha noo furay markii dunidu albaabbadeeda naga wada xiratay”.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ku booriyay Shacabka jabuuti iyo Madaxweynaha Jabuutiba, in ay weli shacabka soomaaliya u baahan yahay hiil iyo talo iyo gacanqabashaba, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu u rajeyayay in Ummada Jabuuti iyo Madaxweynaha Jabuutiba sannadguuro walba inay bashbash iyo barwaaqo ku gaaraan.
Waxa xusid mudan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Adan Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kala qeyb galayaan dabaaldaga sanadguuradii 32 aad ee ka soo wareegtay xornimada Jabuuti taasoo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer”.
C/qaadir Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya