Sabti, June 27, 2009(HOL): Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaaca ka qaadday in ay wax ka qabaneyso falal nabadgelyo darro ah oo ka jira deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo ay ka dambeeyaan sida Xarakadu sheegtay ciidamada maamulkii ka talinayay Gobolka.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Macallin C/raxmaan Xasan Xuseen ayaa sheegay in falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira deegaano ka tirsan Gobolka ay ka dambeeyaan ciidamada maamulkii ay kala wareegeen gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna caddeeyay in ay sida ugu dhaqsiyada badan ay amni darradaas wax uga qabanayaan
Macallin C/raxmaan Xasan Xuseen, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu intaas ku daray in ay ku guuleysan doonaan in ay amniga gacanta ku dhigaan, isagoo farta ku fiiqay in inta badan deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe ay gacanta ku hayaan xoogagga Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin.
Degmooyinka Warshiikh, Cadalle iyo Deegaanka Raage Ceelle oo gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan ayuu sheegay in ay haatan ka taliyaan xoogag sida uu yiri taabacsan Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin, degmooyinka kale ee aysan weli gaarinna ay si dhaqsi ah ku gaarsiin doonaan maamulkooda.
Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa horay uga talinayay Maamul hoosyimaada Dowladda Soomaaliya, kaasi oo haatan ciidamadiisa ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.
Ugu dambeyntiina,Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan deegaanno ka mid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe laga soo sheegayay kooxo burcad ah oo dadka safarka dhibaato u geysta, dhawaan ayayna ahayd markii ay kooxo burcad ah rasaas ku fureen gaari safar ah oo marayay inta u dhaxeysa Magaalada Jowhar iyo Deegaanka Buurane, kaasi oo ay ku dhinteen labo ruux, shan ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya