Sabti, 27 June 2009 (HOL): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa baaq u jeediyay Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Xaflad lagu maamuusayay Xuska 49aad ee ka soo wareegtay markii ugu horraysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Carro-Soomaali 26 June 1960-kii oo Somaliland Xornimadeedii ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska, taas oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda ku dhaqan Waddanka Sucuudiga, gaar ahaan Magaalada Riyad ee dalkaas, ayaa wuxuu arrimihii uu ka hadlay ka mid ahaa arrimaha hadda ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Waxaanu baaqyo u jeediyay Madaxweynaha Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo uu ugu baaqay in uu la heshiiyo Kooxaha Mucaaradka ku ah ee dagaallada kula jira, isla markaana uu ka faa’iidaysto khibradda Somaliland ee arrimaha nabadaynta.
“Waxaan Sheekh Shariif kula talinayaa in uu ka faa’iidaysto Khibradda Somaliland oo uu la heshiiyo Mucaaradkiisa oo uu iska dhaafo shisheeyaha. Waayo, Qaramada Midoobay waxba uma qaban karto, waa in uu la heshiiyo Mucaaradkiisa oo uu wadaadadiisa iyo Ilma-adeeradii la heshiiyo uu iska daayo Ereyada Argagixiso iyo waxa noocaas ah, waayo waa afkii Cabdilaahi Yuusuf oo waxba tari maayo.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Midnimadii Soomaaliya waxay la mid tahay Ilmo dhashay oo haddana dhintay.”
Maaha markii ugu horaysay ee Hoggaamiyayaasha Axsaabta Siyaasadda Somaliland ka hadlaan arrimaha ka taagan Koonfurta Soomaaliya, hase ahaate, labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Kulmiye ayaa hore hambalyo ugu diray Madaxweyne Shariif markii loo doortay Madaxtinimada Soomaaliya.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland