Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo Miino-baaris ka bilaabay meelihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya


Xoogagga Al-Shabaab oo Geedo ka  jaraya inta u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalan


Isniin, January 19, 2009(HOL): Ururka Al-Shabaab ayaa maanta wuxuu ka bilaabay magaalada Muqdisho howlo uu miinooyin kaga baarayo sidoo kalena uu dhirta kaga jirayo meelihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil iyo Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maanta waxay howshaas ka bilaabeen Wadada hormarta Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalan, iyadoo halkaasi lagu arkayay Xoogag ka amar qaata Al-Shabaab oo jaraya geedo Wadada Laamiga ah  dhexdeeda ka baxay,  isla markaana bacaad-celin ku sameynaya Wadadaas.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)
Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo intii ay howshaas socotay Saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in howsha ay qabanayaan ay tahay mid ay ugu adeegayaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in ay dadka u sahlayaan in ay guryahooda iyo xaafadahooda ku soo noqdaan.

Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in howsha ay wadaan ay isugu jirto Miino-saaris, Geedo-jaris iyo Bacaad-celin, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan Miinooyin lagu aasay goobihii ay Dagaallada ka dhaceen intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu caddeeyay in ay ka saarayaan halkii lagu aasay.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay U qeybsanaha Gobolka Banaadir ee dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Cabdi Maxamed Xuseen, wuxuuna sheegay in howsha ay maanta bilaabeen ay tahay mid ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu jiro magac loo bixiyay howsha ay wadaan, kaasi oo ah {OLOLAHA ADEEGGA BULSHADA EE WILAAYAD
A GOBOLKA BANAADIR}.

Shiikh Cabdi Maxamed Xuseen waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howshan, isla markaana ay ku baahin doonaan meelo badan oo duur isu bedelay intii ay Dagaallada ka soceen Magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo arrintan gacan ka geysan karta in ay ka qeybqaadato.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen Magaalada Muqdisho Xoogaggooda laguma arki jirin meelaha ay Ciidamadaas ka baxeen sida Xoogagga kale ee Islaamiyiinta ah, iyadoo Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur-na uu sheegay in aysan isku mashquulineynin meelo qabsasho iyo in lagu kala hor-maro meelaha ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen.

Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Mansuur oo Geed falaya

Mid ka mid ah Xoogagga Al-Shabaab oo bacaad-celin sameynaya

Dadkii Muqdisho ka qaxay labo sano ka hor oo dib ugu soo noqonaya

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia