Isniin, January 19, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka digay in weerar lagu qaado Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.
C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynaha Dowladdii TNG-da ee Carta lagu soo dhisay waxaa uu sheegay in Ciidamadan aysan ku soo gelin Soomaaliya dagaal, taasi bedelkeedna ay ku yimaadeen ogolaashaha Midowga Afrika iyo taageerada Qaramada Midoobay.
“Ma jiraan wax dhibaato ah oo ay Ciidamadan ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa in aan la weerarin, haddii ay dalka Soomaaliya ka baxayaanna taasi waxaa go’aan ka soo saari karta cidda madax ka noqota dowladda ka soo baxda dadaallada hadda socda”ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in markaas kadib ay ku filan tahay in la yiraahdo Wadamadiina ku laabta.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhawaan ka baxay fariisinkoodii ugu weyn ee Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Waxgaradka, Odayaasha, Ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo Culumaa’udiinka Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay C/qaasim Salaad Xasan in ay shaqeeyaan sidii ay u soo celin lahaayeen ammaanka, isla markaana ay u suurtagelin lahaayeen in ay guryahooda ku soo noqdaan dad badan oo ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay.
C/qaasim Salaad Xasan ayaa intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer gurigiisa baaritaan ka sameeay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, waxaana jirtay mar ay Ciidamadas gurigiisa galeen isagoo Muqdisho ku sugan, ayna u ixtiraami waayeen sharafkiisa ah in uu mar soo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia