Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyo Maleeshiyooyinkii Soomaalida ahaa oo isaga baxay Degmada Baardheere

Isniin, January 19, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyo Maleeshiyooyinkii Soomaalida ahaa ee dhawaanahan ku sugnaa Degmada Baardheere ayaa xalay halkaas isaga baxay.

Bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan degmadaas, kuwaasi oo isugu soo baxay Xaafadaha Cakaaraha, Aargada, ADC-da iyo kuwo kale, waxaana la arkayay dadweynaha oo booqanaya meelihii ay Ciidamada ka baxeen.

Saaka waxaa ku soo laabanaya Degmada Baardheere dad 48-kii saac ee aynu ka soo gudubnay ka barakacay, kuwaasi oo u cararay Tuulooyinka ka fog degmada, waxaana dadkaasi oo u badnaa Caruur, Haween iyo Waayeello la bilaabay in Degmada lagu soo celiyo bacdamaa aysan Tuulooyinka ku noolaan karin xiligan oo kuleyl daran uu jiro.

Meelaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka oo ahaa Xaruntii ADC-da iyo Buundada Degmada ayaa waxaa haatan ku sugan Xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasi oo dadka u sheegay in ay guryahooda ku soo noqdaan isla markaana ay deganaasho muujiyaan.

Dadkani ayaa barakacay kadib markii uu gudaha Degmada labo jeer ka dhacay dagaal dhexmaray Xoogagga Islaamiyiinta ah iyo Ciidamada Itoobiyaanka iyo Maleeshiyooyinka Soomaalida ah oo isku dhinac ah, waxayna taasi keentay in ay 75% ay dadka Degmada barkacaan.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka iyo Maleeshiyooyinka la socda ee Soomaalida ah ayaa waxay u baxeen dhinaca Deegaanka Doolow oo ku yaala xadka kala qeybiya Soomaaliya  iyo Itoobiya, lamana oga in ay soo noqon doonaan iyo in ay wada baxeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia