Waxaa maantay oo khamiis ah xariga laga jaray (15/1/2009) dugsigii hore ee degmada Cadaado oo dib u habayn uu ku sameeyey maamulka degmada Cadaado waxaana la dayactiray 10 fasal waana la qalabeeyey, dugsiguna waa mid hoose dhexe iyo sareba hase yeeshee hada hoose dhexe ayaa lagu howl gelinayaa.
Waxaa xariga ka jaray guddoomiyaha degmada Cadaado Sh. C/raxmaan Maxamed Axmed oo uu ku soo dhaweeyey maamulaha cusub ee dugsiga Macalin C/raxmaan Cibaar guddoomiyuhuna wuxuu tafaasiil dheer ka bixiyey mudadii dugsigu xirnaa ee 18-ka sano ahayd iyo fursada maantay uu helay ee dayactirka ah wuxuuna ka codsaday dadweynaha in ay dayactiraan inta ka dhiman dhismaha dugsiga oo ah wareejin dayrka dugsiga, ganjeel iyo qeyb dhismaha guryaha ka dhiman.
Wuxuu yiri ma ahan dugsigaani mid gaar ah ee waa kii degmada, waxaana iska leh dadweynaha deegaanka waxaana idinku waajib ah in aad ubadkiina u dhisataan waxbarashada wuxuuna sidoo kale sheegay guddoomiyuhu in ay dugsiga dhigi doonaan macalimiin aqoon sare leh oo inta badan jaamaciyiin yihiin.
Lacagta dugsiga lagu dhigan lahaa bar ayaa dadweynaha loo dhaafay barka kalena macalimiinta ayaa wax ku socodsiinaya, sidaasna waxaan u yeelnay maadaama uu yahay dugsigii degmada, barka kalena waxaa la dhaafi doonaa oo ardaydu lacag la’aan ayey ku dhigan doonaan markii la helo cid bixisa mushaarka macalimiinta.
Waxbarasho Lacag La’aan ah
Agoonta dugsigu wax lacag ah ka qaadi mayo, inta yar ee viiga ah ee ku meel gaarka ah ee ardayda laga rabo waxaa laga codsanayaa dhamaan dadweynaha iyo deeq bixiyayaasha in ay ka dhiibaan viigaas Qofba intii uu karo, dadweynuhuna dhamaantiis waa lacag la’aan.
Waxaan ka codsanaynaa jaaliyada deegaankan u dhalatay, ganacsatada iyo cid kasta oo waxgarad ah in ay gacan nagu siiyaan waxbarashada lana bixiyo mushaarka macalimiinta si ay u noqoto tacliintu midi hore ee dowladihii hore oo kale lacag la’aan ah anagoo weliba doonayna in aan waxbarashada kala gaarsiino deegaanka oo dhan waqti yar ka dib haddii Alle idmo.
Intaas wixii dheer kala xiriir Tel: 2521-5526474 email: [email protected]
Saciid Caynte
[email protected]
Cadaado, Somalia