Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku adkeysanaya in ay doorashadaas dhici doonto 26-ka Bishan

Isniin, January 19, 2009(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uusan waxba iska bedelin jadwalkii doorashada madaxweynaha.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mid ah guddiga doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaas ay tahay sidii uu ugu dhawaaqay sii hayaha Xilka Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in xitaa haddii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ka maqan yahay magaalada Baydhabo ay doorashada dhici doonto 26-ka bishan, wuxuuna meesha ka saaray in Xildhibaannada Baarlamaanka looga yeeri doono Jibouti, kadibna halkaas lagu dooran doono madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran.

Waxaa uu intaas ku daray Xildhibaan C/rashiid Xiddig in ay u yeereen Xildhibaannada Baarlamaanka ee ka maqan magaalada Baydhab, si buu yiri ay uga qeybqaataan Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa haatan waxay ku kala sugan yihiin Magaalooyinka Nairobi, Jibouti iyo Gaalkacyo, waxayna qaarkood sheegeen in aysan Baydhabo tegeynin, iyagoo taasina sabab uga dhigay arrimo dhinaca ammaanka ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo iyo Magaalada Djibouti ayaa waxaa ka socda dadaallo aan mideysneyn oo mid kasta la sheegayo in lagu kala dooranayo madaxda dowlad-midnimo-Qaran iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxaana labada dhinac jira musharixiin u taagan qabashada xilalka dowladahaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia