Isniin,
Mucaawiye ibnu Abii-Sufyaan (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulka (SCW) ayaa intuu naga dhex istaagay yiri: (War hooya dadyowgii Ahlu-Kitaabka ahaa ee idinka horreeyay waxay u qaybsameen 72 diimood, diintaanina waxay u qaybsami doontaa 73, 72 kamid ahi Naarta ayay gelayaan, halna Jannada, waana Jamaacada)[1].
Werin kale oo Abuu-Hurayra (RC) Rasuulku (SCW) wuxuu ku yiri: (Yahuuddu waxay u qaybsantay 71 ama 71 kooxood, Nasaaraduana waxay u qaybsantay 71 ama 72 kooxood, umaddayduna waxay u qaybsami doontaa 73 kooxood)[2].
Aanas bin Maalik (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: (Banii-Israa'iil waxay u qaybsameen 71 kooxood, umaddayduna waxay u qaybsami doontaa 73 kooxood, gebigoodna Naarta ayay gelayaan hal mooyee, waana Jamaacada)[3].
Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) isna waxa laga weriyay: Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: (Umaddayda waxa qabsan doona wixii reer Banii-Israa'iil qabsaday oo sidoodii ahoo kab kab lagu jimeeyay oo kale ah oo hadduu xitaa ku jiray qof hooyadiis meel fagaare ah ku fuulay umaddaydana mid lamid ah ayaa kazoo bixi doona, reer Banii-Israa'iilna waxay u qaybsameen 71 diimood, umaddayduna waxay u qaybsami doontaa 73 diimood, gebigoodna Naarta ayay gelayaan hal mooyee). Waxaa lagu yiri: Waatee hashaasi?. Wuxuu yiri: (Dariiqa aniga iyo asxaabtaydu aan manta ku taagannahay ta ku taagan)[4].
Kooxdaas iyada ah waxa "Ahlus-Sunn"a loogu magacaabay maadaama ay ku taagan tahay kuna dhaqanto sunnadii Nabi Muxammad (SCW). Waxa sidoo kale "Jamaaca" loogu magacaabay sida Axaadiithta aan soo sheegnay ku cad Rasuulka (SCW) oo ku magacaabay jamaaco. Sabab kale ayaa ah iyagoo ah jamaaco islaam ah oo ku kulmay xaqa, diintana aan ku kala qaybsamin, kuna socda manhajkii ay jideeyeen culumadii xaqa looga dayday, kagana aanay leexan wax haba yaraadeene ku saabsan amuuraha caqiidada.
Ahlus-Sunna wal-Jamaaca waxa weeye qolada raadkii ku taagan ahna Xadiithka ehelkiisa iyo qolada loo gargaarayo iyo kooxda iyadu badbaadi doonta.
CAQIIDADA AHLUS-SUNNA WAL-JAMAACA HALKA AY ASAL AHAAN KASOO JEEDDO:
Caqiiqadada Ahlus-Sunna wal-Jamaaca waxa weeye asalka Islaamka, waana caqiido aan kooxo iyo dariiqooyin lahayn. Sidaas darteed tiirarka ay ku taagan tahay caqiidada Ahlus-Sunna wal-Jamaaca iyo darka ay ka cabtaa waxa weeye tixraacyada soo socda:
1. Darka caqiidadu waa kitaabka Alle iyo sunnada Rasuulkiisa (SCW) iyo ijmaaca "go'aanka guud" ee salafkii "diinyaqaankii tegay" suubbanaa.
2.Wax kasta oo kusoo arooray Qur'aanka kariimka ahi waxa weeye sharci muslimiinta u degsan, wax kasta oo sunnada Nabiga (SCW) ka sugnaadayna waxa waajib ah in la qaato.
3. Fahamka kitaabka iyo sunnada waxa loogu noqonayaa kutubta sharxaysa iyo salafkii subbanaa siduu u fahmay iyo cid kasta oo dariiqoodii martay.
4. Tiirarka diinta gebi ahaanba waxa inoo caddeeyay Nabiga (SCW), haddaba ciddii ay doonataba ha ahaato, daahii ay doontana haku soo gambatee laga yeeli mayo inay diinta wax aan ku jirin kusoo darto iyadoo ku andacoonaysa in waxaasi ay diinta kamid yihiin.
5. Alle iyo Rasuulkiisa (SCW) in si cad iyo si qarsoodi ah labadaba la isugu dhiibo; dhaqan, caado, soo saarid iyo qiyaasid kasta oo la sheegto, war kasta oo sheekh, imaam iyo cid kasta oo kale laga weriyo midna waa inaysan kahor imaan ama liddi ku noqon kitaabka iyo sunnada Rasuulka (SCW).
6.Waxa waajib ah in ereyada ama alfaadda sharciga ah ee caqiidada la isticmaalo, lagana fogaado alfaadda bidcada "dad-sameega" ah.
7. Dhowrsanaanta buuxda "cismada" waxay u sugnaatay Rasuulka (SCW) umadda islaamkuna waxay ka dhowrsanaan kartaa in aanay baadinimo isku raacin, hase yeeshee umaddu qof-qof dhowrsanaan buuxda uma ay laha oo qof Nabigii (SCW) ka dambeeyay oo macsuum ahi ma jiro, qof kastana dembi ayaa ka dhici kara. Umaddu haddii ay is-khilaafto tixraaca "marjaca" loo noqonayaa waxa weeye kitaabka iyo sunnada iyo in loo cudur-daaro qofkii umadda kamid ah oo isagoo dadaalaya gefay.
8. Riyada suubbani waa xaq waana qayb kamid ah nabinnimada, faraasada "indheer-garadnimada" xaqa ahina waa karaamo iyo bishaaro, waase inay shareecada waafaqdaa, mase aha dar laga qaato caqiiqada iyo sharci dejinta toona.
9.Wixii wanaagsan in laga doodaa waa jid, wixiise in laga hadlo la reebay in laga doodaa ma bannaana.
10. Marka wax la raddinayo "jawaab laga bixinayo', waa in lagu taagnaadaa manhajka waxyiga, bidcana in bidco kale lagu raddiyaa ma bannaana. Macnuhu waxa weeye qofkii wax aan manhajka Alle waafaqsanayn la yimaada in wax sidooda oo kale ah loogu jawaabaa ma bannaana. Sidoo kale xad-ka-baxa in xad-ka-bax kale looga hortagaa ma bannaana.
TAWXIIDKA RABBINIMO
- Asalka Magacyada Alle iyo Sifooyinkiisa: In la sugo wixii uu Alle nafsaddiisa u sugay ama uu Rasuulku (SCW) u sugay iyadoon waxba lagu darin iyo in la diido wixii uu Alle nafsaddiisa u diiday ama uu Rasuulkiisu (SCW) u diiday iyadoon waxna laga tegin, siduu Alle u yiri: (Wax lamid ahi ma jiraan, waana maqlid badane arki og)[5], iyadoo weliba la rumaynayo micnaha alfaadda soo aroortay iyo waxyaabaha ay tusayso.
- Malaa'igta in si guud loo rumeeyo, si faahfaahsanna loo rumeeyo haddii daliil cad loo hayo kaas oo ku saabsan; magacyadooda, tilmaamohooda iyo hawlaha ay qabtaan hadba inta ay aqoonta qofku gaarsiisan tahay.
-Kutubta Alle soo dejiyay gebi ahaan in la rumeeyo, iyo in Qur'aanka kariimka ahi yahay
- Nabiyada Alle dhammaan in la rumeeyo, lana aamino inay dadka kale ka fadli badanyihiin, qofkii sidaas si aan ahayn ku doodaana wuu gaaloobay.
-Waxyi soo degaya oo Nabi Muxammad (SCW) ka dambeeyay in aanu jirin in la rumeeyo, Muxammadna (SCW) inuu Anbiyadii Alle iyo Rusushiisii kii lagu soo afjaray yahay, qofkii sidaas si aan ahayn cindiga gashadaana wuu gaaloobay.
-Maalinta Qiyaamaha in la rumeeyo iyo wax kasta oo akhbaar ah oo ka sugnaaday iyo waxyaabaha hordhaca u ah ee calaamooyinka u ah.
- Qadarku khayr iyo shar kuu doonaba ha ahaadee inuu xag Alle ka socdo in la rumeeyo. Micnuhu waxa weeye wax kasta oo ahaanaya intaanay ahaan in Alle ogyahay uuna looxul-maxfuudka hore ugu qoray iyo in wixii uu doonaa ay ahaanayaan waxaanu dooninna aanay ahaanayn, wax kastana uu awoodo, wax kastana Allaha abuuray uu yahay, wixii uu doonana sameeyo in la aamino.
-Wixii qeyb ah "dadka ka dahsoon" oo daliil cad loo haayo in la rumeeyo sida jannada, naarta, carshiga, kursiga, nicmada qabriga iyo cadaabtiisa, siraadka iyo miisaanka, iwm, iyadoon wax qeybiyaadkaas kamid ah la ta'wiilin "micnooyin loo yeelin sidii la doonana loo fasirin".
-Mu'miniintu inay Rabbigood maalinta qiyaamo jannada dhexdeeda iyo goobta kulanka "maxsharka" ku arkayaan, adduunyadase aanay cidi ku arkayn inay xaq tahay, qofkii inkira ama si aan ahayn u ta'wiiliyaana waa mid lumay oo xaqa ka iishay.
-Karaamooyinka awliyada Alle iyo dadka suusuubbani inay xaq yihiin, hase yeeshee wax kasta oo caadada ka baxsan in aan karaamo lagu magacaabi karin, waxase suurowda inay hoos ula-daadegid iyo saamayn shaydaan tahay, halbeegga lagu kala saarayaana waa in waxaasi kitaabka iyo sunnada waafaqaan yihiin ama diidaan yihiin.
TAWXIIDKA ILAAHNIMO
- Alle waa hal keliya aan rabbinimadiisa, ilaahinimadiisa, sifaadkiisa iyo magacyadiisa midna shirko ku lahayn, waana Rabbiga Jinni iyo Insi ee keligiis mudan in la caabudo cibaado noocii ay doontaba ha ahaatee.
-Cibaadada noocyadeeda nooc kamid ah sida; in loo qayla dhaansado, ama kaalmo la weydiisto, ama nadar loo galo, ama loo gawraco, ama la tala-saarto, ama laga baqo, ama la jeclaado, ama la isku halleeyo, iwm. cid aan Alle ahayni waxa weeye shirki weyn "gaalnimo buuxda", ulajeeddaduu doonaba qofka waxaas samaynayaa haka lahaado eh.
-Usuusha Alle-caabudistu waxa weeye in Alle lagu caabudo; jacayl isaga loo qabo, baqdin naartiisa laga baqayo iyo rajo jannadiisa laga qabo oo wada socda, arrimahaas oo la kala saaraana waa baadinnimo.
-Alle iyo Rasuulkiisa (SCW) in su buuxda la isugu dhiibo oo loo adeeco iyo in Alle loo rumeeyo inuu yahay Rabbi iyo Alle aan xukunkiisa iyo amarkiisa cid la wadaagta lahayn.
-Dastuur in laga dhigto wax aanu Alle jideyn iyo in loo gar-dhigto shaydaan, dastuurkii Nabi Muxammad (SCW) mid aan ahaynna la qaato, ama qaar laga beddelaa waa gaalnimo, qofkii ku dooda in dastuurkaas laga gudbi karaana waa uu gaaloobay.
Midda hore, masalan; in la aamino inay bannaan tahay amaba la banneeyo sharcigii Alle mid aan ahayn in la isku xukumo, ama sharci kale "shuruucda da-sameega ah" laga fadilo ama lala mid dhigo ama lagu beddelo.
Tan labaad in sharciga Alle looga tallaabsado dhacdo gaar ah, hawa raacnimo darteed iyadoo shareecadii Alle si guud ahaan ah loogu dhaqmayo.
- Diinta wax dad sokeeye leeyihiin iyo sharci shacabka "rayidka" qabta oon qolooyinka gaarka ah qaban in loo qaybiyo, siyaasadda iyo diintana la kala saaraa waa wax aan shareecada waafqsanayn. Weliba waxa intaas dheer, xaqiiqo kasta iyo siyaasad kasta oon shareecada waafaqsanayni waxa weeye ama gaalnimo ama baadinimo, iyadoo loo eegayo hadba heerka ay arrintaasi gaarsiisan tahay.
-Qeybka "waxa qarsoon" Alle mooyee cid kale oo ogi ma jirto, in la aamino in cid aan Alle ahayni qeybka ogtahayna waa gaalnimo, waase in la aamino in Eebbe uu Rusushiisa qaar kamid ah qeybka qaybo kamid ah tusay.
TAWASULKA IYO NOOCYADIISA
Tawasulku luqad ahan waxa weeye u dhowaansho cid kale loo dhowaado iyadoo wax loogu dhowaado la isticmaalayo. Haddaynu ka eegno dhanka shareecada Islaamka, tawasulku waxa weeye hadallada ama falalka uu qofku adeegsanayo si uu muraadka uu Alle ka leeyahay u gaaro. Waa wax 'eray ama fal" uu qofku Alle ugu dhowaanayo.
Tawasulku wuxuu u kala baxaa saddex nooc:
1- Tawasul bannaan: Tawasulka bannaani waxa weeye in Alle lagu tawasulo ama loogu dhowaado magacyadiisa iyo tilmaamihiisa, ama camal suubban oo uu qofku sameeyay amaba qof nool oo suubban.
2- Tawasul bidco ah: Waxa weeye in Alle loogu dhowaado wax aan shareecada kusoo aroorin, sida anbiyada ama dadka suusuubban qof ahaantooda oo lagu tawasulo ama jaahooda ama xaqooda ama xurmadooda, iwm.
3- Tawasul shirki ah: Waa in dad dhintay cibaadada Alle la caabudayo waasto looga dhigto ama iyaga la baryo ama xaajo la weydiisto amaba kaalmo la weydiisto.
HAB-DHAQANKA DADKA QUBUURAHA SIYAARTA
Dadka qubuuraha siyaartaa waxay u dhaqmaan saddex nooc:
1- Siyaaro bannaan: Siyaarada qubuuruhu waxay bannaan tahay marka loola jeedo inay aakhiro qofka xusuusiyaan oo lagu waana qaadanayo iyo in la salaamo iyo in loo duceeyo.
2- Siyaaro bidco ah: Siyaarada bidcada ahi waxay kahor imaanaysaa tawxiidka buuxa, waana dariiqa shirkiga loo maro. Siyaarada caynkaas ah waxa loola jeedaa in Alle lagu caabudo looguna dhowaado qubuuraha agtooda ama in la barakaysto ama wax ajar lagu doonayo agtooda lagu bixiyo ama la dhiso ama masaajid laga dhigto ama loo safro oo socdaal loo galo iyo wixii lamid ah oo dhan ooy shareecadu diidday ama waxaan asal shareecada ku lahayn.
3- Siyaaro shirki ah: Waxa weeye in cibaadooyinka nooc kamid ah qofka qabriga ku jira loo leexiyo sida; in isaga Alle ka soke la baryo, ama kaalmo la weydiisto ama badbaado la weydiisto, ama la dawaafo, ama xoolo loo qalo, ama nadar loo galo, iwm.
IIMAANKA
·Imaanka waxa loola jeedaa Eebbe oo si buuxda loo rumeeyo. Iimaanku wuxuu ka fulaa af iyo addin. Wuu kordhaa wuuna nusqaamaa. Iimaanka afka ahi waa ka qalbiga oo uu carrabku rumeeyo, ka addinka ahina waa ka ay xubnaha jirku dhaqan geliyaan. Camalka xubnuhu waxa weeye inay qabtaan wixii la amray, kana fogaadaan wixii laga waaniyay.
·Qofka dembi kabaa'irta "dembiyada waaweyn' mid kamid ah galaa ka bixi mayo iimaanka oo adduunyada wuxuu ku yahay mu'min iimaankiisu dhiman yahay , aakhirana Eebbe siduu ka yeelayo isagaa garanaya oo hadduu doonana wuu u dembi dhaafayaa hadduu doonana wuu cadaabayaa. Dadka muslimiinta ah oo Eebbe keliya caabudaa Janno ayay ku dambaynayaan xitaa haddii qaarkood muddo kooban la cadaabo, qof kamid ah oo Naar ku waarayaana ma jiro.
·Ma bannaana in qof Muslin ah si go'aan ah loo yiraahdo Janno ayuu gelayaa ama Naar, qof Aayad Qur'aan ahi arrintiisa ka hadashay mooyee.
·Kufriga ama gaalnimadu shareeca ahaan waa laba nooc: kufri weyn oo diinta qofka ka bixinaya iyo kufri yar oon qofka diinta ka bixinayn, waxana mararka qaar lagu magacaabaa kufri fal ah.
·Gaalayntu waxa ay kamid tahay axkaamta shareecada waxana loo celinayaa kitaabka iyo sunnada. Sidaas darted ma bannaana in qof muslin ah fal uu sameeyay ama hadal uu yiri dartood loo gaaleeyo, haddaan daliil buuxa oo shareecada waafaqsan loo heyn. Sidoo kale, gaalnimo laguma xukmin karo qof fal ama hadal ka dhacay haddii uusan qofkaasi buuxin shurudihii gaalnimada. Gaalayntu waxay kamid tahay axkaam la rido kuwa ugu khatarsan, sidaas darted waxa loo baahan yahay in caddayn buuxda la helo, si aad ahna looga fiirsado in qof muslin ah gaalnimo lagu xukmiyo.
QUR'AANKA
Qur'aanku waa hadalkii Alle (xuruuftiisa iyo macnihiisa labadaba), waana mid lasoo dejiyay ee mid la abuuray ma aha, waana mucjiso tusinaysa runlownimada Rasuulka suubban (SCW), waana mid dhowrsanaan doona ilaa maalinta Qiyaamaha.
QADARKA
Arkaanta "tiirarka" Iimaanka waxaa kamid ah in la rumeeyo Qadarka kheyrkiisa iyo shartiisa inuu Alle kasoo fulay. Rumeynta Qadarku waxay koobaysaa:
- In la rumeeyo dhammaan nusuusta Qadarka kusoo aroortay iyo martabadihiisa (ogaal, qoraal, doonis iyo abuuris) iyo in go'aanka Alle wax hor istaagi karaa aanay jirin, xukunkiisana cid wax ka beddeli karta ama faragelin kartaa aanay jirin.
- Hanuunka addoomada iyo baadinimadoodu waxay ku jirtaa gacanta Alle, waxana addoomada kamid ah qaar uu Alle galladdiisa ku hanuuniyay iyo qaar uu caddaaladdiisa ku baadiyeeyay.
JAMAACADA IYO IMAAMNIMADA
-Jamaacada waxa loola jeedaa Asxaabtii Nabiga (SCW) iyo kuwii ka dambeeyay ee wanaagga ku raacay iyo inta raadkoodii ku joogta ilaa maalinta qiyaamaha, waxana weeye kooxda badbaadaysa.
- Qof kasta oo manhajkii Rasuulka (SCW) iyo Asxaabta ku taagani wuxuu kamid yahay jamaacada, xitaa hadday gefafka qaar ka dhacaan.
-Ma bannaana in diinta lagu kala qaybsamo muslimiinta dhexdoodana fidno ka dhacdo, wixii ay muslimiintu isku khilaafaanna waa in kitaabka Alle iyo sunnada Rasuulkiisa (SCW) loo celiyaa sidii salafkii suubbanaa ee inaga horreeyayba yeeli jireen.
-Qofkii Jamaacada ka baxa, waxa waajib ah in la waaniyo oo loo caqli celiyo, xujo cadna lagu oogo. Hadduu markaas tawba keeno waa sidii la rabay, haddii kale waa in lagu ciqaabaa wuxuu shareeco ahaan mudan yahay.
-Imaamnimada guud waxay ku dhaboobaysaa ijmaaca muslimiinta "muslimiintu ay u dhanyihiin" ama inay doortaan dadka la yiraa ahlul-xalli wal-caqdi oo ah dadka ay taladu ka go'do oo amuuraha aakhiro iyo kuwa adduun cilmiga u elh. Qofkii ay umadda badankeedu raacdo, awood uu u sheegtay haku raacdo ama adeecide waxa waajib ah in wanaag lagu adeeco, loona nasteexeeyo oo la waaniyo, waana xaaraan in lagu gadoodaa haddaanu la imaan gaalnimo cad oo caddaynteedu Alle xaggiis ka sugnaatay, weliba qoladaas gadoodaysaa waa inay awood ku filan leedahay.
-Waxa waajib ah in salaadda lagu xirto oo xajka lala aado oo lala jihaado madaxda muslimiinta haddii xitaa ay gabood falayaan "aanay caddaalad wax ku xukumayn".
-Waa xaaraan inay muslimiintu isku dagaalaan amuuro adduunyo iyo casabiyad jaahiliyadeed "qabiil-qabiil, iwm", waxayna taasi kamid tahay dembiyada waaweyn kuwa ugu waaweyn, waxase bannaan in lala dagaalo kooxaha bidcada wada, kuwa dulmiga wada, iwm, waase in marka hore wax dagaal ka sahlan lagu dayaa, haddiise laga fursan waayo oo dariiq kasta oo kale uu soo xirmo waa lala dagaalayaa, dagaalka lagu qaadayaana wuxuu noqonayaa hadba sida ay maslaxaddu ku jirto iyo hadba xaaladdu sida ay tahay.
-Asxaabtii Nabigu (SCW) kulligood way saxsanaayeen, waxayna ahaayeen umaddaan kuwii ugu fadliga badnaa, mu'miniin inay ahaayeen, fadli dheeraad ahna lahaayeen waxay si aan ka hadal lahayn uga mid tahay usuusha diinta, in la jeclaadaana waxay kamid tahay diinta iyo iimaanka, in la necbaadaana waxay kamid tahay gaalnimada iyo munaafaqnimada "uur-ka-gaalnimada". Waxa kale oo diinta kamid ah in laga dheeraado falanqaynta wixii iyaga dhex maray, lagana fogaado wixii darajadooda duraya.
-Diinta waxaa kamid ah in la jeclaado Aalu-Beytka Rasuulka (SCW) iyo in weli laga dhigto "lasoo dhoweysto" iyo in la weyneeyo hooyooyinkii mu'miniinta "xaasaskii Rasuulka (SCW)" loona ogaado darajadii ay lahaayeen. Sidoo kale in la jeclaado a'immadii "madaxdii" salafkii suubbanaa iyo culumadii sunnada iyo intii wanaag ku raacday ee ka dambeysay, waana in laga dheeraado dadka bidcada shaqo ka dhigtay iyo kuwa hawa-raaca ah.
-Kelmadda Alle inay sarrayso oo lagu jihaadaa waa dhakada ugu sarraysa diinta Islaamka, wuuna soconayaa jihaadku ilaa maalinta Qiyaamaha.
-Wanaagga oo lays faro iyo xumaha oo la iska reebaa waxay kamid tahay halku-dhegyada ugu waaweyn Islaamka, waana mid kamid ah asbaabta ay jamaacada Islaamku usii jirto. Labadaas arrimood waxay ku waajibayaan hadba awoodda jihada fulinaysaa inta ay la'egtahay iyo hadba maslaxaddu sida ay ku jirto.
ASTAAMAHA MANHAJKA AHLUS-SUNNA WAL-JAMAACA
Ahlus-Sunna wal-jamaaca waa qolada badbaadaysa, waana kooxda Alle u gargaarayo. Sida ay manhaj caqiido u leeyihiin bayna u leeyihiin manhaj noloshooda oo dhan u habeeya, maxaa yeelay manhajkoodu waxa weeye kan Islaamka oo ah mid dhan kasta koobaya oo uu jideeyay Suubbane Nabi Muxammad (SCW). Dadka ku abtirsada Ahlus-Sunna wal-Jamaaca in kasta ooy daraja ahaan kala sarreeyaan, misana waxay leeyihiin astaamo u gaar ah oo madaahibta kale looga sooco laguna garto.
-Waxay aad ahmiyad u siiyaan kitaabka Alle xag xifdin "dusha ka qaybid', xag akhrin iyo xag tafsiir intaba. Waxa kale ooy ahmiyad ballaaran siiyaan Axaadiithta Nabiga (SCW) xag barasho, faham iyo kala soocid Xadiithka saxiixa ah iyo kan cilladaysan. Labadaas dar waxa weeye halka diinta laga barto, barashadaas ooy ku daraan ku dhaqan suubban.
-Waxay raacaan culumadii diinta uga horreysay ee iyagu wax aan hore u jirin ma billaabaan "bidco ma aha", way isku duuban yihiin oo jamaacada ayay laasimaan, wayna neceb yihiin kala qaybsanka iyo khilaafka diineed.
-Waxay ku daydaan Asxaabtii Nabiga (SCW), taabiciintii iyo a'immadii ka dambeysay ee looga dayday cilmiga iyo camalka suubban iyo diinta Alle oo dadka loogu yeero, wayna ka fogaadaan cid kasta oo dariiqaas cad khilaafta.
- Dhex-dhexaadnimo. Caqiidada waxay u fahmaan uguna dhaqmaan si dhex-dhexaad ah oo aanay mayal adkaan wax dumisaa ku jirin, dabacsanaan keenta in diintii la dayacaana aanay ku jirin.
- Waxay xoogga saaraan sidii kelmadda muslimiinta waddada xaqa ah loogu mideyn lahaa, safka umaddana loogu mideyn lahaa tawxiidka iyo raacista tubtii saalixiinta iyo weliba sidii looga fogaan lahaa asbaab kasta oo keeni karta khilaaf muslimiinta dhexdooda ka dhasha.
-Dadka ayay diinta ugu yeeraan, diintaas oo koobaysa caqiidada, cibaadada, hab-dhaqanka iyo akhlaaqda iyo wax kasta oo nolosha ku saabsan oo qofka muslinka ahi u baahan yahay. Waxay ka digaan in diinta la kala qaadqaado oo waxay u gargaaraan faralka iyo sunnaha, sida ay ugu gargaaraan caqiidada iyo furuucda. Waxay dadka uga digaan munkar dhammaantiis, waxanay nooleeyaan sunnada Nabiga (SCW). Waxay xoogga saaraan sidii loogu dhaqmi lahaa dastuurka Alle looguna fulin lahaa wax kasta ha yaraadeen hase weynaadeen eh, waxayna ka digaan dastuur shaydaan iyo wax aanu Alle soo dejin in lagu dhaqmo.
-Caddaaladda: Waxay difaacaan xaqa Alle ee ma difaacaan xaq kooxeed ama mid qabiil, sidaas darteed qofka ama qolada ay isxigaan wax aanay lahayn ma siiyaan, wax aanay ahaynna
-Waxay oggolyihiin inay dhexdooda ku kala ra'yi duwanaadaan mas'alooyinkii ay salafku ku kala ra'yi duwanaayeen, iyadoon qofka ra'yi duwanaantiisa lagu baadiyaynayn, waxayna garanayaan qaabka si edeb iyo akhlaaqi ku dheehantahay la isu khilaafo arrintaas oo Alle iyo Rasuulkiisu (SCW) ay bareen, kuna hanuuniyeen.
-Waxay aad ahmiyad u siiyaan ugana taxadderaan masaalixda "danaha" iyo mafaasidda "dhibaatooyinka", waxayna ogyihiin in shareecada Islaamku ay u timid si ay masaalixda u hor-mariso, mafaasiddana u waabiso una yarayso, labadoodana waxa la hormariyay mafaasidda waabinteeda.
-Fidnada gaalnimada waxay kula dagaallamaan daliil iyo caddayn iyo ciidan iyo hub, hadba tii loo baahdo iyo hadba tabartoodu halka ay gaarto.
-Fidnada muslimiinta dhexdooda ah, waxay la jiraan nabadda. Fidnada in laga fariisto ayay nabaddu ku jirtaa, laakiin haddii xaqu caddaado oo daliil cad shareecada looga helo, xaqa ayay wixii ay awoodaan ugu gargaaraan.
-Waxay arkaan in bidcooleyaashu sunnada u kala fogyihiin una kala dhowyihiin, mid kastana waxa uu mudanyahay bay kula dhaqmaan. Sidaas darted, bidcadu waxay u kala baxdaa noocyadan hoos ku xusan:.
1-Bidco aanu khilaaf ka jirin in dadka ku dhaqma aan la gaalayn sida; Murji'ada iyo Shiicada Jacfariyada. Dadka caynkaas ah waa gaalo la dhihi mayo.
2-Bidco khilaaf ka jiro in dadka ku dhaqma la gaaleeyo ama aan la gaalayn sida; Khawaarijta iyo Raafidada.
3-Bidco aanu khilaaf ka jirin oo dadka ku dhaqma la gaaleeyo sida; Jahmiyada, Qadyaaniyada iyo Murjia'ada Maxdada ah.
-Waxay kala saaraan inay bidcada guud ahaan ku xukmiyaan inay tahay macsi, ama fisqi, ama gaalnimo iyo inay qof shakhsi ah xukmiyaan ilaa iyo inta laga hubinayo in qofkaas qowlkiisu sunnada khilaafayo, si xujo cad iyo marag-ma-doonto loogu oogo, wixii shaki ahna meesha laga saaro.
-Ma bannaynayaan in la yiraa waa gaal, ama waa faasiq ama xitaa waa dembiile mid kamid ah culumada muslimiinta dadaal uu ku gefay ama fasiraad fog oo uu bixiyay darteed, gaar ahaan mas'alooyinka khilaafku ka taagan yahay.
-Si kala heer duwan bay ula dhaqmaan qofka bidcadiisa la dhuunta, qofka dharaar cad bannaysta iyo qofka ku dhaqankeeda dadka ugu yeera.
-Waxay kala saaraan dadka muslimiinta ahe bidcada ku dhaqma bidcadoodu heerka ay doontaba ha gaarto eh iyo dadka la ogaaday inay diinta Islaamka diideen sida gaalada iyo mushrikiinta, iyadoo la ogyahay in bidcooleyaasha qaarkood ay uur-ka-gaalo iyo gaalo gargaar yihiin.
-Bidcooleyaasha waxay uga hortagaan waxa ay yihiin inay caamada u caddeeyaan ugana digaan iyo inay sunnada muujiyaan oo dadka baraan, bidcadana geesaha uga garaacaan wax Allaale iyo wixii ay shareecadu oggoshahay.
-Jimcada iyo Jamaacada waxay ku daba tukadaan imaam xaalkiisu asturan yahay haddaanay bidconimo ama caasinimo kale ku caddayn, bidcana bidco kale ugama ay hortagaan.
- Ma banneeyaan in lagu daba tukado imaam ay bidconimo ama caasinimo ku caddaatay iyadoo la helayo imaam kale, haddiise lagu daba tukado salaaddaasi way ansaxaysaa qofkii tukaday baase dambaabaya marka laga reebo in loola jeedo in mafsado ka weyn lagu reebo. Haddii la waayo imaam kale oo ka roon mid isaga lamid ah ama ka xag-jira mooyee, way bannaan tahay in lagu daba tukado, mana bannaana in jamaacada iyo jumcada dartiis loo daayo, qofkiise gaalnimo lagu xukmiyo ma bannaana in lagu daba tukado.
-Ahlus-Sunna wal-Jamaaca waxa kale ooy leeyihiin manhaj guud oo nafta lagu hufo laguna jara baro, qalbigana lagu hagaajiyo laguna daahiriyo, maxaa yeelay qalbigu sida jirka intiisa kale ayuu doorsoomaa haddaan hufid iyo hagaajin lala daba joogin. Arrimaha ay nafta ku hufaan qalbigana ku hagaajiyaan waxaa kamid ah:
1-Inay Eebbe keligiis waxidaan, shirki dhammaantiis iyo bidcana ka dheeraadaan, waxyaabahaas oo iimaanka dila ama nusqaamiya.
2-Alle iyo Rasuulkiisa (SCW) waxay ku adeecaan inay faradka iyo sunnaha si buuxda u gutaan, iygaoo weliba daryeel gaar ah siinaya xuska Alle iyo Qur'aan akhrinta, Nabigana (SCW) salligiisa badinaya, soomaya, sakada bixinaya, xajka iyo cumrada iyo wixii kale ee Alle jideeyayna gudanaya.
3-Waxay ka fogaadaan waxyaabaha xaaraanta ah iyo waxyaabaha shubuhaadka ah "shakigu ku jiro", iyagoo weliba ka dheeraada waxyaabaha makruuhaadka ah "aanu Islaamku jeclayn".
4-Waxay ka fogaadaan baaderinimada Nasaarada, mana xarrimaan wixii wanaagsan oo dhan. Waxa kale ooy ka fogaadaan dhegeysiga heesaha iyo muusikada iyo waxyaabaha lamidka ahe qalbiga dila.
5-Alle waxay xaggiisa u dhaqaaqaan iyagoo u dhexeeya cabsi ay cadaabtiisa ka qabaan iyo rajo ay Jannadiisa ka qabaan. Waxay Alle u caabudaan si jacayl ku jiro, cabsiyi ku jirto rajana ku jirto.
-Culumada Ahlus-Sunna wal-Jamaaca tilmaamaha lagu garto kuwooda ugu mudani waxa weeye kuwan soo socda:
1- Wanaagga ooy sameeyaan, inay isu naxariistaan noolahana u naxariistaan, dadka oo dhanna dabeecad wanaagsan kula dhaqmaan. Xiriirka iyaga dhexdooda ah iyo ka ay dadyowga kale la yeelihiin labadaba waxay kaga daydaan salafkii suubbanaa siduu kitaabka iyo sunnada uga fahmay in xiriirkaasi uu ahaado.
2-Waxay aaminsan yihiin in waano iyo caqli celin ay ka sugnaatay Alle, kitaabkiisa, Rasuulkiisa, una sugnaatay culumada muslimiinta iyo caamadooda intaba.
3-Waxay ahmiyad ballaaran siiyaan arrimaha muslimiinta, wayna u gargaaraan, xuquuqdoodana way gutaan, dhibkana way ka dheereeyaan.
4- Mu'minka waxay ugu hiilliyaan mu'minnimadiisa hadba inta iimaankiisu la'eg yahay, gaalkana gaalnimadiisa ayay kula colloobaan xitaa hadduu qaraabo midka ugu dhow yahay.
- Qof kasta oo aaminsan usuusha Ahlus-Sunna wal-Jamaaca, kuna camal falaa waxa uu kamid yahay Ahlus-Sunna wal-Jamaaca, xitaa hadduu galo gefafka qaar qofkii ku khilaafaa uu waa bidco leeyahay. Qofkii aan usuusha Ahlus-Sunna wal-Jamaaca aaminsanayn, kuna camal falsyni kama mid aha Ahlus-Sunna wal-Jamaaca, xitaa hadduu inuu kamid yahay afka ka sheegto.
[1] Abuu-Daa'uud (4597).
[2] Abuu-Daa'uud (4596).
[3] Ibnu-Maaja (3993).
[4] Tirmidi (----)
[5] Suurat Ash-Shuuraa (11).
Waxaa Diyaariyay:
Sabriye M. Musse
Email: [email protected]
Email: [email protected]