Isniin, January 19, 2009(HOL): Qaar ka mid ah golihii wasiirrada ee uu dhawaantan soo magacaabay madaxwaynaha cusub ee DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa durbadiiba iska casilay xilalkii loo magacaabay, isla markaana sheegay in aaney diyaar u ahayn in ay xilalkaasi qabtaan.
Nuuradiin Aadan Diiriye iyo Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-Toosiye) oo labaduba loo kala magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Wasaaradda Qorshaynta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xilalka loo doortay ,waxaana ay ku baaqeen in xukuumada ay xilalkasi u dhiibato dad kale.
Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa ku tilmaamay digreetada lagu magacaabay in ay tahay mid ay madaxwaynaha cadaadis ku saareen odayaal dhaqameedyo ,waxaana uu intaasi ku daray in Puntland aysan qaadi karin tiro wasiirro ah oo intaas la eg.
Madaxwaynaha cusub ee DGPL Faroole ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin is-casilaadda qaar ka mid ah xukuumadiisa, walaw ay jiraan warar sheegaya in Nuuradiin markii uu is-casiliyay uu istaqaaladiisa u gudbiyay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
Iscasilaadda qaar ka mid ah golihii wasiirada ee habeen hore la soo magacaabay ayaa ku soo aadeysa iyadoo xukuumadda cusub ee la soo doortay ay hor yaallaan qorshayaal faro badan oo ku aadan wax ka qabashada dhibaatooyin uu ugu soo horeeyo amniga .
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia