Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo isu soo taagay xilka Madaxweynenimada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Isniin, January 19, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta qado sharaf ugu sameeyey Xilidhibaanno, Waxgarad Odayaal hotelka Helton ee Magaalada Nairobi  ayaa waxaa uu sheegay haddii la doorto in uu wax badan ka qaban doono xaaladda Soomaliya Nabadgalyana uu ku soo dabali doono dalaka Sooamliya.

Xildhibaan Geeddi waxaa uu intaasi raaciyey in uu cadaaladda ku dhaqmi doono haddii la doorto, isagoona ka codsaday xildhibaannada Baarlamaanka iyo shacabka Soomaliyeed in ay ku taageeraan si dii uu u noqon lahaa Madaxweynaha Soomaliya ee mustaqbalka.

Xildhibaannadii ka soo qeybagalay xafladdii Cali Maxamed Geeddi uu ka ga dhawaaqayey musharaxninmadiisa ayaa waxaa ka mid aha Guddomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka Soomaliya Prof Dalxa oo sheegay in uu Cali Maxamed Geeddi uu u qalmo Madaxweynenimada Dalka Soomaaliya oo doorashadiisa lagu wado in ay ka dhacdo gudaha Dalka Soomaliaya 26 bishaan sida uu horey u sheegay Madaxweynaha ku meel gaar ka ah ee Soomaaliya, ahna guddoomiya Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Inkastoo Musharixiin badan ay doonayaan in loo doorto jagada madaxtinimada dalka Soomaliya ayaa waxaa hadana jahawareer uu ka jiraa goobta ay ka dhaceyso doorashda Madaxtinimada Soomaaliya, walow ay dad badan qabaan in doorshada ay ka dhacdo Djibouti halka Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaankana ay ku adkeysanayaan in ay doorshada ka dhacdo magaalada Baydhabo, laakiin Beessha Caalamka oo ay horkaceyso  QM ay iyadana dooneyso in ay doorashada madaxtinimada Soomaliya  ka Dhacdo Dalka Djibouti.

Hassan Omar Baffo
[email protected]
Nairobi, Kenya