Isniin, December 28, 2009(HOL): Afhayeenka maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Xassan Yacquuq Cali oo maanta la hadlayey idaacad ku hadasha afka maamulka oo ka howlgasha gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu maamulkoodu ay la socdaan dhaqdhaqaaqayada ka soconayo degmada Doolow ee gobalkaasi Gedo.
Waxaa Sheekh Xasan Yacquub uu sheegay in dhaqdhaqaayadaasi ay wadaan saraakiil iyo waliba xildhibaano ka tirsan dowlada ku KMG soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay gadaal ka riixayso dowlada wadan Eithopia waxaana Sheekhu uu intaasi ku daray in dhaqdhaqaayadaasi si weyn ula socdaan isla markaana mujaahidiinta isha ku hayaan.
Sidoo kale Sheekh Yacquub Cali kama hadlin oo kaliya dhaqdhaqaaqyada ka soconayo degmada Doolow balse waxaa uu kaloo ka hadley dhaqdhaqaaqyo kale oo uu sheegay inay ka soconayaan gobalka Waqooyi barri ee dalka Kenya kaasi oo uu sheegay inay waddo dowlada wadankaasi Kenya isagoona intaasi ku daray in dhaqdhaqaaqyadaasi ay la socdaan isla markaan dhankooda ay ka wadaan diyaaargarow aad u ballaaran oo ku aadan dhaqdhaqaaqyadaasi.
Sikastaba ha ahaatee hadalkani ka soo yeeray afhayeenka maamulka islaamiga ee magaada Kismaayo Sheekh Xasan Yacqub Cali ayaa waxan uu imaanayaa xili dhawaan warbaahinta uu ka hadley Aadan Saransoor oo Afhayeen loogu doortay shir ka socda Degmada Doolow, kaasi oo la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed ay hoostagaan ilaa lix gobol oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya