Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in Dowladda Talyaanigu ay ballanqaaday inay qalabeynayso Isbitaallada Muqdisho qaarkood

Isniin, December 28, 2009(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/risaaq Max'ed Nuur (Eng. Nuune) oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu dalka Talyaaniga kasoo helay ballanqaad ku saabsan qalabeynta Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Eng. Nuunne ayaa carrabka ku dhuftay in Isbitaalka Madiina oo ka mid ah kuwa faro ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho aad loo qalabeyn doono, isagoo aan sheegin Isbitaallada kale ee iyagana la qalabeynayo.

"Dowladda Talyaanigu waxaan kasoo helnay ballanqaad ah inay qalabeynayso qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho, kuwaasoo aan muddo dheer helin wax dayactir iyo qalabeyn ah, runtiina ka maamul ahaan aad ayaan u soo dhaweynay" ayuu yiri Eng. Nuunne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shalay dib ugu laabtay Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Talyaanigu ay u soo gudbisay cabashooyin ay ka mid yihiin qulqulka dadka qoxootiga ah ee ka imaanaya Soomaaliya oo uga sii gudba dalalka kale.

Dhanka kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu sheegay in Gobalka Lambardia ee dalka Talyaaniga uu si gaar ah ugu ballanqaaday maamul ahaan inuu qayb weyn ka qaadanayo dib u dhis lagu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir oo jira in ka yar 2-bilood ayaa qaaday tallaabooyin uu kaga shaqeynayo horumarinta Gobolka Banaadir, waxaana safarka Guddoomiyaha uu ku tagay dalka Talyaaniga uu qaatay muddo saddex maalmood ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya