Xildhibaan ka tiran Dowladda Soomaaliya oo sheegay in la xaliyay khilaafkii soo kala dhaxgalay Dowladda Soomaaliya iyo R/iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max'ed Geedi.

Isniin, 28, Dec, 2009 (HOL) Xildhibaan Xuseen Caraalle Cadaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la dhameeyay khilaaf soo kala dhaxgalay Dowladda Soomaaliya iyo R/iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max'ed Geed oo jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Xildhibaan oo Waryesi siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano kula kulmeen Magaalada Nairobi Cali Max'ed Geedi oo sida uu sheegay ay ka wada hadleen eedeymaha Dowladdu u soo jeedisay, waxaana uu intaa ku daray in ugu danbeytii leysku afgartay in laga wada shaqeeyo Nabad islamarkaana meel leyska dhigo hadiiba u jiro khilaaf u dhaxeeya Cali Max'ed Geedi iyo Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda.
 
Xildhibaan Xuseen Caraalle Cadaan waxaa uu intaa ku daray in Magaalada Nairobi sidoo kale isku arkeen ku-xigeen R/iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Wasaarada Maaliyada Shariif Xasan Shiikh Aadan oo sida uu sheegay ay la socdiiyeen is afgaradka ay gaareen iyaga iyo Cali Max'ed Geedi, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale wada kulmi doonaan Cali Max'ed Geedi iyo R/iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo dhawaan la filayo ayuu yiri in uu soo gaaro Magaalada Nairobi.
 
''Runtii khilaafku ma'aheyn mid shaqsi oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Cali Max'ed Geedi ee waxaa uu ahaa mid Dowladda oo dhan saameynayay sidaa daraadeed waa uu dhaamaday hadda khilaafkaasi, Cali Max'ed Geedina waxaa Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya Mas'uul ayaana ka saaran in uu Nabad ka shaqeeyo ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Caraalle.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u gudbisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Kenya dacad ka dhan ah Cali Max'ed Gaadi oo ay Dowladda Soomaaliya ku eedeysay in uu wado dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah jiritaanka Dowladda Soomaaliya isaga oo kaashanaya Xildhibaano ku jira Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya.
 
Waxaana khilaafka la sheegay in la soo afjaray uu ka qafiifnayaa Cali Max'ed Geedi culseyn ka soo foodsaari lahaa Dowladda Kenya oo sheegtay haddii lagu helo eedeymaha loo soo jeedinayo in dalka laga masaafurin doono.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]