Munaasaabad looga soo horjeedo qarax ummuda somaliyeed ku dhamaatay ee ka dhacay 3 bishan Hotel Shaamo (DAAWO SAWIRRO)


Isniin, 28, Dec, 2009 (HOL)Munaasabad oo ay ka soo qayb galeen ardada iyo hooyooyinka somaliyeed ee ku dhaqan magalada hyderabad ee cariga india ayaa waxaa halkaas lagu muujiyay sida foosha xun ee lagu layay dadka biri ma gaydada ah ee maasuliyeentii iyo ardadii ka qalin jabinaysay cafimaadka iyo ummadii  somaliyeed ee la soo qayb gashay ee ku haligmay hotel shaaamo waxaa xaflada ka soo qaybgalay xaflada dad aad u fara badan iyo jaaliyadaha yuurub ka yimid ee somaliyeed iyo inta wax ka barata hyderabad waxaa halkaas qadka telefanka kaga qayb gashay marwo Ebyan ladane salah oo ah safiirka u fadhiya india dawlada somaliya .

Waxaa halkaas ka furmay xafladii oo ay soo qabqabiyee n Ururka dhalinta somaliyeed ee la yidhaahdo Somali Students Association .

Xaflada oo lagu furay ayadaha qur’anka kariimka kadib waxaa furmay barnaamijkii xaflada oo ay ugu horaysay fadiilatu Sh. Tahliin Mohammud Hassan  oo ku dheeraday is qarxinta iyo diinta waxay ka qabto hadalkisii waxaa ka mid ahaa “waxa ka socdo Somalia ay tahay Cuqubo allaah laga galay ayna tahay wax ay gacmaheeda ku keensatay umadda Soomaliyeed.intaa kadib waxaa isna qudbadii lagu soo dhawayay

Gudmoomiyaha Ururka Somali Students Association Mr. Faysal Mohamed Mataan oo asagana hadaladiisii ka mid ahaa ” Waa nasiib Xumo iyo Xaalad murugeed oo usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed waayo Arday waa furaha wadan hormarkiis ayuu ku nuuxnuuxsaday Gudoomiye Faysal Mohamed Mataan.

Waxa uuna ugu danbayn hadalkiiisii kusoo gabagabeeyay oo uu yiri ” Iftiinka wadan kaste iyo hormarkiisa waa Ardayda sidaas daraateed waa inaan Gacmaha Is qabsanaa kanna hor istaagnaa dhacdo la mid ah tii 3dii Bishan lagu qarxiyay Ardayda.inta kadib waxaa isna meesha ka hadlay Dr. Mohammud Mayye oo ahaa aasaasayashii jamacada Banaadir ee ardaydu ka qalin jabisay .intaa kadib waxaa mesha ka hadlay Eng.hassan abdi sheekh oo ahaa Marxuumka abtigii oo qudbad dheer u jeediyay si uu ugu faahfaahiyo waxa nuune naxaristi jane ilahay ha siyee dusha loga saray ,eng.hassan  abdi oo hadaladisi wata ayaa yidhi hassan xaaji wuxu u istaagay inuu wiilkisa difaaco iyadoo ay arinta kaliya lagu meeraysanayaa war baahin iyo dawladba ay tahay muxuu ka soo donay somalia xiligan daalada ka jiraan somalia iyo siduu dhexda oga go’ayi kara tasoo ah wax maqrati ah oo dadki iyo hotel shamow ayuu hurday iyo dhoobley ayuu ku dhashay waxaan ahayn ay u wayeen oo cadayn ah tasoo qofka hadii xag diiniyan lag aeegayo ay tahay qofka in maqraadi saddex ah la helo hadii ay tahay si cilmaani ahna document in la helo intaba way ku guul daraysatay marka waxa dawlada iyo saxafada somaliyeed ceeb ku ah in marxuumka dusha laga saro ,ayay aheyeen hadaladii eng.hassan abdi sheekh halkaa u ka yidhi tasoo dadkii halkaa fadhiyay ay mar kaliya sacab u tumeen la yaabka ay ku noqotay ummadii halkaa isug u timid .

Waxaa isna halkaa ka hadlay forieng  vice president mr.hassan   oo halkaa ku gacan qaaday eng.hassan abdi sheekh oo ahaa marxuumka abtigii ilahay naxaristi jano ha siyee .
 
Somali Students Association
Hyderabad india