Isniin, December 28, 2009(HOL): Mid ka mid ah ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa toogasho ku dilay wiil arday ah, isagoo dhaawac u geystay ruux kale oo isaguna goobtaas ku sugan.
Ruuxa dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo aan la garanayn halka uu aaday iyo sababta keentay inuu toogto wiilka ardayga ah, iyadoo mas'uuliyiinta Xisbul islaam ay sheegeen inay baadi-goob ku hayaan ruuxii geystay dilkaas.
"Dilku waa jiraa, waxaana geystay askari ka tirsan ciidamadeena, wuuna baxsaday, mana garanayno sababta keentay inuu dil u geysto qof rayid ah" ayuu yiri mas'uul ka mid ah maamulka Lafoole ee Ururka Xisbul Islaam uu u sameeyay deegaanada loo barokacy.
Mas'uulkan ayaa sheegay inay howlgallo lagu baadi-goobayo askarigii dilka geystay ay wadaan, ayna soo taagi doonaan sharciga haddii ay gacanta ku soo dhigaan, waxaana falkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ka dhaca deegaankan.
Dhanka kale, maamulka Xisbul Islaam ee ka jira Deegaannada loo barokacay ayaa bilaabay inay gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee xamuulka ah ka qaadaan lacago, kuwaasoo ay sheegeen inay ku dayactirayaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Salmaan Sahal Muuse ayaa sheegay in gaari walba ay ka qaadayaan lacag gaaraysa 15,000 oo Somali Shilling ah si ay qayb uga noqoto lacagta lagu dhisayo jidka oo qaybo badan ka burbursan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya