Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Xisbul Islaam oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Isniin, 28, Dec, 2009 (HOL) Kadib dagaal aad u culus islamarkaana muddo kooban socday kaa oo duleedka Bare ee Magaalada Beledweyne ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Xisbul Islaam, ayaa waxaa siyaabo kala duwan dagaalka iyo saameytiisa uga hadlay Mas'uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Xisbul Islaam.
 
Xildhibaan Cali C/llaahi Bootaan (Cali Ganey) oo sheegay in uu hogaaminayay dagaalkii shalay galinkii danbe ka dhacay Goroonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay khasaaro badan gaarsiiyeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee dagaalku dhaxmaray, waxaana uu intaa ku daray in ay jiraan hub sida uu sheegay ay ka carareen Ciidamada Xisbul Islaam oo ay dhinacooda gacanta u soo galay, inkastoo uusan sheegin dhinacooda wax khasaaro ah oo soo gaaray.
 
Xildhibaan Cali Ganey waxaa uu intaa ku daray in Ciidamadoodu wali joogaan daafaha Magaalada, islamarkaana qorsheynayaan sidii ay dhawaan u la wareegi lahaayeen gacan ku heynta Magaalada Beledweyne.
 
Laakiin hadalka Xildhibaanka waxaa beeniyay Af-hayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Xisbul Islaam Max'ed Cismaan Caruus oo sheegay in dagaalkaasi ahaa mid ay soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay kooxaha cadawgga laguna jabiyay, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Ururka Xisbul Islaam hadda u ku sugan yihiin fariismo ay horay u joogeen kuwa Dowladda Soomaaliya.
 
Marka laga soo tago wararka labada dhinac ay isku tuur tuurayaan waxaa wali jirta xiisad kacsan oo ka taagan daafaha Magaalada Beledweyne iyada oo Ciidamada Dowladdu wali fadhiyaan goobihii ay horay u joogeen islamarkaan shalay dagaalku ka dhacay, waxaaa dhici karta in mar walba dagaalku qarxo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]