Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo heshiis dhexdhigtay laba beelood oo ku dagaallamay duleedka Magaalada Muqdisho

Isniin, December 28, 2009(HOL): Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max'ud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qaabtay Muqdisho ayaa sheegay inay heshiis dhexdhigeen laba beelood oo dagaal uu u dhexeeyay muddo dheer.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in beelahan oo degan deegaanno hoosyimaada degmada Dayniile uu dagaalkoodu salka ku hayay muran dhuleed, wuxuuna sheegay in ay ka shaqeeyeen Xarakadooda sidii ay labada beelood heshiis u kala saxiixan lahaayeen.

"Waxaa ALLE mahaddiis ah in beelo walaalo ah oo dagaalkoodu uu soo jiitamayay 16-sano aan heshiis dhex dhigno, waxayna tani ka mid tahay sababaha ugu weyn ee ay Xarakadu u dagaallamayso" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Beelahan oo walaalo ah ayuu sheegay inay ku heshiisiiyeen Diinta Islaamka, ayna maanta yihiin walaalo Muslimiin ah oo ballanqaaday inay si nabad ah ugu wada noolaan doonaan dhulkii ay muddada dheer ku dagaallamayeen.

Heshiiskan ayaa soo gabgaboobay sida uu sheegay Afhayeenka Al-shabaab shalay, wuxuuna sheegay in dhinacyada heshiiska la dhex dhigay ay yihiin dad daris ah, oo awal aan isku tallaabi karin, balse maanta isku tallaabi kara, deginna kara meeshii ay doonaan.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay Jilibyo ka tirsan beelaha Abgaal iyo Murusade iyadoo dagaalkooda uu salka ku hayay lahaanshaha dhul ay labada dhinac sheeganayaan, kaasoo ku dhow degmada Dayniile ee Duleedka Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay heshiisyo dhex dhigto beelo ay dagaallo u dhexeeyeen, iyadoo dhowr jeer oo hore damiyay dagaallo u dhexeeyay beelo walaalo ah, isla markaana dhexdhigay heshiisyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya