Isniin, December 28, 2009(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay gurigiisa Madaxii hay'ad ka shaqeysa xanaaneynta dadka waayeelka ah, kaasoo lagu magacaabi jiray Cismaan Maadey oo xaruntiisu tahay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Dableyda hubeysan oo wajiga qarsaday ayaa u dhacay guriga sarkaalka xalay fiidkii waxayna ku hortoogteen xaaskiisa iyo caruur uu dhalay oo xiligaas uu la joogay, iyagoo ka baxsaday goobta.
"Guriga ayay u soo dhaceen waxayna dhowr xabadood ku dhufteen Cismaan oo albaabka guriga taagnaa, wayna baxsadeen" ayay tiri xaaska marxuumka oo si kooban u hadashay dilka kaddib.
Marxuumka ayaa dhawaan kasoo laabtay dalka Kenya, iyadoo qaraabadiisu ay sheegeen inay jireen hanjbaadyo dhowr jeer oo hore soo gaaray, laguna amray inuu joojiyo shaqada uu hayo.
Isla xalay ayaa lagu duugay marxuumka degmada Baardheere, iyadoo maamulka Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada uusan ka hadlin dilka, mana jirto cid sheegatay inay iyadu mas'uul ka tahay dilka ruuxan samofalaha ah.
Maamulka Xarrakatul Shabaab ee degmada Baladxaawo oo ku taalla xadka ayaa hay'ado dhowr ah oo ka howlgeli jiray degmadaas waxay ku amreen inay joojiyaan shaqooyinka, iyagoo ku eedeeyay inay arrimo kale faraha kula jiraan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya