Sabti, December 12, 2009(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay caawinayaan Ciidamada Amisom iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu caawa Maqribtii ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo socday muddo 30 daqiiqo ah ayaa wuxuu qarxay kaddib markii fariisin ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen nawaaxiga dugsigii sare ee Banaadir ee Degmada Hodan. Intii uu dagaalka socday ciidamada Amisom waxaa dagaalka madaafiic kaga qeybqaatay ciidamada Amisom oo madaafiicda ay ridayeen ay ku dhacayeen meelo ka fog halka uu dagaalka ka dhacayay.
Dagaalkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 3 ruux, 7 ruux oo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya C/llaahi Xasan Bariise oo dagaalkan ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday ciidamada dowladda ayna iska difaaceen kooxihii weerarka ku soo qaaday.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xoogagga ka soo horjeeda Dowadda Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan dagaalka caawa maqribtii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online