Ururka Xisbul Islaam oo ka hadlay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, December 12, 2009(HOL):  Xoghayaha Wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Macallin Cali oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Xarrakada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan guud ahaan Gobolka Jubbada hoose.

 

Xoghayuhu wuxuu sheegay in ururkooda aan xoog looga saarin dhowr degmo oo gobolkaas ku yaalla, balse ay iyagu isaga baxeen markii uu isbadal ku yimid hadafkoodii dagaalka, ayna cadaadeen arrimo horay aysan ugu xisaabtamayn.

 

"Markaan ogaannay waxyaabo halis ah oo aanan horay u ogeyn ayaan go'aan ku gaarnay inaan isaga baxno degmooyin ay ka mid yihiin Afmadow iyo Dhoobley, balse saraakiisha ururka iyo ciidamadu weli qaybo gobolka ka tirsan ayay ku sugan yihiin" ayuu yiri Sheekh Max'ed Macallin Cali.

 

Wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee dagaalka ay uga baxeen ay tahay dagaalka oo u muuqday mid fidno ah oo u dhexeeya dad Islaam ah, laakiinse Sheekh Axmed Madoobe oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam hoggaaminayayna dagaalkii Jubbada Hoose ayaa sheegay todobaadkii hore inay dagaalka sii wadayaan.

 

"Ururka Xisbul Islaam wax heshiis ah oo uu la galayo Al-shabaab ma jirto, dagaalku waa sii soconayaa inta aan ka saarayno gobolka, waayo kooxdan waa mid aan lahayn ballan sidoo kalena aan doonayn in la heshiiyo" ayuu yiri Axmed Madoobe oo dhawaan saxaafada caalamka qaarkeed wareysiyo siiyay.

 

Ururka Al-shabaab ayaa iyaguna bayaan ay todobaadkii hore kasoo saareen Muqdisho ku sheegay in dagaalladii ka dhacay Gobolka Jubbada hoose ay ka gaareen guulo ayna gobolka oo dhan iyagu gacanta ku hayaan.

 

Saraakiil uu Sheekh Axmed Madoobe ka mid yahay ayay bayaankooda ku sheegeen inay ka saareen gobolka oo dhan, ayna ku howlan yihiin dhameystirka goobo yaryar oo weli ay ku harsan yihiin xoogaga Xisbul Islaam ee ay dagaalka la galeen.

 

Dhanka kale Xoghayaha warfaafinta ee ururka Xisbul Islaam ayaa cambaareyn u jeediyay shirkii lagu soo gabgabeeyay shalay Magaalada Mombassa ee dalka Kenya wuxuuna ku tilmaamay mid lagu doonayo in Somalia lagu kala qaybiyo dibna loogu abuuro dagaalladii qabiileysiga ku saleysnaa.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya