Yaa Maamula xilligan Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan?

Sabti, 12, Dec, 2009 (HOL) Waa isbadal si lama filaan ah ugu curtay Goballka Hiiraan saameyn mug lehna ku yeelan doono Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ee xarunta Goballka Hiiraan, kadib markii Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin sheegeen in la wareegeen Maamulka guud ahaan Goballka Hiiraan islamarkaana ay u soo magacaabeen Goballka Mas'uuliyiin cusub oo hoos imanaya Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

 

Ururka Xisbul Islaam oo bilihii ugu danbeeyay Maamulayay Magaalada Beledweyne islamarkaan kol hore ku dhawaaqay Guddoomiyaha Goballka Hiiraan oo loo magacaabay Sarkaal ka tirsan Xisbigga ayaa hadda u muuqda mid uu shaki badan ku jiro jiritaankiisa kadib markii Saacadihii aynu soo dhaafnay Xarunta Maamulka Goballka iyo Saldhiga Baliiska lagu arkayay Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu jiro hishiis hoos oo dhaxmaray qaar ka mid ah Saraakiisha Xisbul Islaam iyo Mas'uuliyiinta Al-shabaab oo sidaa xukunka loogu wareejiyay.

 

Laakiin xitaa hadii uu dhab yahay warka ku saabsan in uu hishiis dhaxmaray qeyb ka mid ah Xisbul Islaam iyo Saraakiisha Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ma'aha mid ay mahdin doonaan in badan oo ka mid ah Saraakiisha Xisbigga ee hadda ku sugan Magaalada Beledweyne kuwaa oo darrajo sare ka haya Maamulka Goballka islamarkaana meesha ka baxaya marka ay soo xaadiraan Mas'uuliyiinta la sheegay in Shabaabul Mujaahidiin soo magacaabeen.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee xaruta u ah Goballka Hiiraan oo markii hore hadal heyntoodu aheyd waxa ka iman kara dhaq dhaqaaqa ay wadaan Saraakiil ka tirsan kuwii Dowladda ee Magaalada laga saaray, ayaa hadda u muuqda kuwo Il gaar ah ku eegaya cid u hari doonta Maamulka Goballka Hiiraan, maadaama waqtigan Goballka Hiiraan uu leeyahay labo Guddoomiye oo ka kala tirsan Xisbul Islaam iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin.

 

Sikastaba ah ahaatee, Su'aasha leysweydiin karo ayaa waxaa ay tahay Xisbul Islaam iyo Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ma waxaa u dhaxeeya hishiis guud talada Goballka Hiiraan looga haray Shabaabul Mujaahidiin, Mise xaalku wuxuu noqon doonaa sidii Jubbooyinka oo kale.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]