Mareykanka oo sheegay in weerar cirka ah oo ka dhacay Pakistan ay ku dileen dagaalyahan Somali ah oo ka tirsanaa Al-Qaacida

Sabti, December 12, 2009(HOL): Sarkaal magaciisa qariyay oo Mareykan ah ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee aanay cidna wadin ka geysteen Gobolka Wiziristan ee ku yaalla Waqooyiga dalka Pakistan ay ku dileen dagaalyahan Somalia ah oo ka tirsan Al-Qaacida.

 

Dagaalyahanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Saalax Al-Somali waxaana lala dilay laba sarkaal oo kale oo u dhashay dalka Saudi Arabia, sida uu sheegay sarkaal u halay wasaaradda gaashaandhigga dalka Mareykanka.

 

"Saalax Al-Somali wuxuu ahaa sarkaalka howlgallada dibadda u qaabilsanaa Al-Qaacida waxaana uu qayb ka qaatay weeraro ka dhacay Mareykanka iyo Yurub" ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyay oo saxaafadda u xaqiijiyay weerarkan.

 

Sarkaalka magaciisa qariyay ayaa sidoo kale sheegay in Saalax Al-Somali uu ka mid ahaa saraakiisha gaamuray ee Al-Qaacida uuna dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Magaalada Muqdsiho.

 

"Waxaan rumeysanahay in Saalax Al-Somali uu ka qaybgalay dagaalkii Blac Hawk Down ee 1993-kii ka dhacay Somalia, kaasoo lagu dilay 18-askair oo Mareykan ah" ayuu mar kale sarkaalka u sheegay saxaafadda, wuxuuna diiday in magaciisa la sheego.

Dagaalyahanka la dilay ayaa la sheegay inuu xiriir wanaagsan la lahaa Al-Shabaab, isagoo qayb ka qaatay qoridda dagaalyahanno badan oo shisheeeye ah kuwaasoo haatan ku sugan Somalia, dagaalna kula jira Dowladda Federaalka.

 

Weerarkan ayaa waxaa fulisay diyaarad aanay cidna wadin, iyadoo uu noqonayo sarkaal Somali ah kii ugu horreeyay oo ka tirsan Al-Qaacida oo uu sheegto Mareykanku inuu ku dilay weerarro ka dhacay dalka Pakistan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya