5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2009
Sarkaal ka mid ahaa saraakiishii maamulkii Gobolka Hiiraan ee DFKMG ah oo ku biiray xoogagga Ahlusunna Waljamaaca

Sabti, December 12, 2009(HOL): Salaad Xareed Faarax oo ka mid ahaa saraakiishii Dowladda Somalia ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku biiray Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca, isagoo saxaafadda kula hadlay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

 

Sarkaalkan oo ka mid ahaa taliyeyaasha ciidamada ee ku sugnaa Isgoyska Kala-bayr ayaa sheegay inuusan ka tanaasulin hamigiisii ahaa inuu Gobolka Hiiraan ka saaro Xisbul Islaam iyo Xarrakada Al-shabaab oo dhawaan u sameeyay maamullo kala duwan.

 

Guddoomiyaha Ahlusunna Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo saxaafadda kula hadlay degmada Caabudwaaq ayaa soo dhaweeyay go'aanka uu qaatay Salaad Xareed, wuxuuna ku tilmaamay mid geesinimo ah.

 

"Salaad Xareed wuxuu ka mid ahaa Ahlusunna, aad ayaana ugu faraxsannahay inuu nagu soo biiro, kana mid noqdo saraakiisheenna dagaalka" ayuu yiri Guddoomiyaha ururka Ahlusunna oo intaas ku daray inay u kaashanayaan dagaalka ay uga horjeedaan Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan DFKMG ah uu goosto kuna biiro Ahlusunna Waljamaaca oo gacanta ku haysa inta badan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia.

 

"Kama rajo-dhigin inaan weeraro Gobolka Hiiraan si aan uga saaro kooxaha gacanta ku haya ee Xisbul Islaam iyo Al-shabaab" ayuu saxafiyiinta u sheegay Salaad Xareed, isagoo caddeeyay inuu wixii maanta ka dambeeya ka mid yahay Ahlusunna.

 

Dowladda Somalia ayaanan ka hadlin sarkaalka ku biiray Ahlusunna ee dhankooda ka tagay, waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee ku sugnaa Gobolka Hiiraan muddada dheer, dhowr jeerna la wareegay gacan ku haynta Baladweyne.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya