Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo eedeyn dusha kaga tuuray Dowlada Kenya

Sabti, December 12, 2009(HOL): Odoyasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa maanta eedeyn kulul usoo jeediyay Dowlada Kenya iyagoo ku eedeeyay dowlada Kenya in ay gulufyo colaadeed ka soo ay  abaabuleyso wadankeeda islamarkaasina ay dooneyso in ay nabadgelyo darro ka abuurto gobollada jubooyinka.

 

Qaar kamid ah waxgaradka iyo odoyaasha oo maanta u waramayay Xafiiska HOL ee magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay cambaareynayaan dowlada wadanka Kenya oo sida ay sheegeen waddo Dagaallo ka dhan ah Gobollada Jubbooyinka, waxaana odayaasha iyo waxgaradka ay sheegeen in xilligan ay gobollada jubbooyinka ay ka jirto Nabad iyo xasilooni ay isku haleyn karaan dadka ku dhaqan Gobollada jubbooyinka.

 

Dhawaan ayay ahayd markii dowlada Kenya ay shaacisay in ay ciidamo u tababareyso Dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasoo ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan sidii ay u soo celin lahayd Nabaddii luntay ee Wadanka Soomaaliya Isla markaasina ay xoogaga islaamiyiinta ee ka soo horjeeda siyaasadda ay ku shaqeyso Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee Hadalkani maanta kasoo yeeray odoyaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxa uu imaanayaa xilli Masuuliyiin ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya ay sheegeen in ay gacanta ku dhigi doonaan gobollada Jubbooyinka iyagoona u magacaabay Saraakiil Sar sare kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii ay gobollada jubbooyinka gacanta ugu galin lahaayeen Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya